Marwada Koowaad oo Mashaariic tiro badan ka fulisay Gabiley, 100 Boyadeedna ugu deeqday Dadka Abaaruhu saameeyn + Sawiro

0
404

Marwada Koowaad oo Mashaariic tiro badan ka fulisay Gabiley, 100 Boyadeedna ugu deeqday Dadka Abaaruhu saameeyn + Sawiro

Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa Maanta Gabiley ka fulisay Mashaariic kala duwan oo isugu jirta Xadhig ka jarid, Kormeer guud iyo Deeqo kala duwan oo ay marwadu bixisay + Gurmadka Abaaraha.

 

Gabiley (Warsugannews) Wafti balaadhan oo ay hogaaminaysay Marwada  koowaad ee Madaxwaynaha  Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo  Aamina  Sheekh  Maxamed jirde oo ay wahelinayeen Wasiirka  Maaliyada  Marwo Samsam Cabdi Aadan, Af-hayeenka  Madaxtooyada  Mudane  Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr),  Agaasimaha  Guud ee Wasaarada Madaxtooyada  Marwo  Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji  Geydh), Maareeyaha Sama-falka  Marwo Aamina  Maxamuud Diiriye, iyo Haween waynaha Ururka  Now iyo Masuuliyiin kale.

 

Waftiga wax kaantaroolka Caabudla ku sugaayey Maamulka heer degmo iyo ka gobolka Gabiley oo ay wehelinayeen waxgaradka Gobolka iyo Haween tiro badan.

 

Ka dibna waxay marwada iyo weftigii la socday loo gelbiyey  dhinaca Arabsiyo oo ay marwadu ka bilowday ujeedada safarkeeda iyadoo ugu horayba xadhiga ka jartay  Kawaanka Hilibka ee degmada Arabsiyo oo  ay iska kaashadeen  Golaha Deegaanka iyo Dawladda Hoose ee Gabiley.

Ka dibna waxay weftigi uga sii gudbeen dhinaca magaalada Gabiley waxaanay marwadu xadhiga ka jartay Waddo 1KM ah oo isku xidhi doonta dawladda Hoose ee gabiley iyo magaalada, waxa kale oo ay  xadhiga ka jartay    dhisme  dabaq ah oo ay yeelan doonaan Golaha Deegaanka  Gobolka iyo Dawladda hoose ee Gabiley.

 

Marwada oo ku guda jirta xadhig ka jarida mashaariico tiro badan oo laga hirgeliyey gobolka ayaa xadhiga ka jartay Sariibad weyn oo laga hirgeliyey gabiley.

 

Waxa kale oo ay agab Kambayuutaro ah oo dhan 23-Computers ku wareejisay Dugsiga Qalax2 Secondary, deeqdaas oo ay  iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyada iyo Golaha Deegaanka Gabiley.

 

Intii lagu gudo jiray mashaariicdaasi waxa ay marwadu xadhiga ka jartay Xarunta Ururka Now ee Gobolka Gabiley, sidoo kale waxa ay marwadu xadhiga ka jartay laba Fasal oo lagu kordhiyey dugsiga hoose dhexe ee Bilic-weyne dhismahaas oo ay golaha deegaanka ee gabiley bixisay kharashkiisa.

 

Intii lagu guda jiray magaalada Gabiley waxa ay marwadu kormeer ku tagtay Garoonka Kubbadda Cagta ee Mo Farah oo hada dhismihiisu ka socdo koonaha magaalada.

 

Ka dibna weftigii marwadu waxay uga sii gudbeen dhinaca kala baydhka halkaasi oo ay marwadu markii ay gaadhay si weyn loogu soo dhaweeyey, iyadoo xadhiga ka jartay saldhig boolis oo halkaasi laga hirgeliyey, waxaanay ku wareejisay gaadhi boolis oo loogu adeegi doono degmada.

 

Marwada iyo weftigii ay hogaaminaysay oo ay wehelinayeen maamulka gobolka gabiley waxay si wada jira u soo kormeereen wadada isku xidha Kala-baydhka iyo Degmada Dilla oo mudooyinkii u danbeeyey ay ka socotay hawl-balaadhan oo dib loogu dhisaayo jidkaasi oo imika gebegebo ku dhaw.

 

Ugu danbayntii weftigii marwadu waxay ku soo laabteen magaalada Gabiley, halkaas oo loogu sameeyey weftiga hadhimo sharafeed.

 

Waxaana halkaa si wada jira uga hadlay Maayarka gabiley, Chief Caaqil Xabeeb iyo marwada Koowaad ee madaxwaynaha oo maamulka gobolka, Dawlada Hoose ee Gabiley iyo Golaha Deegaankaba ku hambalyeysay sida qiimaha leh ee ay ugu dedaaleen in ay gobolka ka hirgeliyaan mashaariico tiro badan oo halmar wada dhamaada, sidoo kale waxay marwadu u mahadnaqday shacbigii ku soo dhaweeyey jidadka iyo magaalada Gudeheeda intii ay ku guda jirtay hawlaha shaqo uga mahadnaqday soo dhawayntii ay kala kulantay, iyadoo tidhi gabiley waxay caan ku tahay soo dhawaynta iyo qadarinta madaxdooda wanan uga mahadnaqayaa sida ay noo karaameeyeen ee ay noo qaabileen maanta, waxaanay noo soo dhaweeyeen sidii Innan Gurigeedkii ku soo noqotay.

 

Isla goobtaana Waxay marwadu kaga dhawaaday 100 Booyadood oo biyo ah in lala gaadho Dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaamada hoos yimaada Gobolka Gabiley.

IMG_0001 IMG_0002 IMG_0003 IMG_0004 IMG_9113 IMG_9115 IMG_9117 IMG_9120 IMG_9121 IMG_9125 IMG_9127 IMG_9131 IMG_9134 IMG_9151 IMG_9154 IMG_9165 IMG_9166 IMG_9167 IMG_9184 IMG_9191 IMG_9204 IMG_9211 IMG_9213 IMG_9218 IMG_9231 IMG_9233 IMG_9242 IMG_9244 IMG_9245 IMG_9246 IMG_9251 IMG_9254 IMG_9272 IMG_9273 IMG_9285 IMG_9294 IMG_9301 IMG_9312 IMG_9321 IMG_9326 IMG_9329 IMG_9345 IMG_9351 IMG_9364 IMG_9365 IMG_9383 IMG_9385 IMG_9394 IMG_9395 IMG_9402 IMG_9403 IMG_9413 IMG_9415 IMG_9417 IMG_9423 IMG_9425 IMG_9427 IMG_9432 IMG_9439 IMG_9443 IMG_9446 IMG_9459 IMG_9462 IMG_9481 IMG_9485 IMG_9493 IMG_9494 IMG_9495 IMG_9496 IMG_9501 IMG_9506 IMG_9514 IMG_9515 IMG_9524 IMG_9530

WA-BILAAHI TAWFIIQ