Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo deeq xoolo nool ah ku wareejisay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa +Sawiro

0
466
????????????????????????????????????

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo deeq xoolo nool ah ku wareejisay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Hargeysa (Warsugannews) Iyadoo ay ku beegan tahay 03-May-2002 oo ah wakhtigii uu geeriyooday Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyadoo laga xusi jiray sanad walba Somaliland 3 May markasta oo ay kasoo wareegto sanad, haseyeeshe sanadkan 2016 oo noqonaysa sanadkii 14aad ee uu sii muutan yahay Madaxweyne Cigaal awgii ayey Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo ah Marwadii Marxuumku ka dhintay ay maanta cusbitaalka guud ee Hargeysa ay ku wareejisay xoolo nool oo ay ugu talogashay in loo qalo dadka u jiifa xarunta cusbitaalka guud xanuunada kala duduwan si loogu qalo.

Waxana halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud Dr. Axmed Cumar Askar oo isagu ka gudoomay marwo kaltuun deeqdaas xoolaha ah, waxanu yidhi agaasimaha guud “illaahay ayaa mahad leh waxa aanu soo dhawaynaynaa Marwo kaltuun Xaaji Daahir waxana aanu uga mahadnaqaynaa deeqdan ay noo keentay maanta ee Adhiga ah, ee ay ugu deeqday dadka xanuusanaya kuna sugan cusbitaalka guud, waxana aanu illaahay uga maryeynaa marxuumka oo xuskii geeridiisa la taagan yahay kuna beegan 3-May, inuu ka siiyo sawaabtii iyo ajarkii deeqdani lahayd, waxanan illaahay u baryeynaa inuu madaxweyneheeni geeriyooday siyo oo uu isna u naxariisto sawaabka aakhirona illaahay siiyo, sadaqadan la bixiyeyna ay khayr ku gaadho, marwo adigana waxa aanu ku leenahay waad mahadsan tahay mar kale”.

Marwo Kaltuun oo halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “waa maalin weyn, waa illaahay mahadii iyadoo ay ku beegan tahay berri oo Salaasa ah 3dii May, xuskii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxanu doorbidnay wixii duco ah ee loo bixinaayey in aanu ku wareejino cusbitaalka guud ee hargeysa oo dad badan oo bukaan jiifi ku sugan yihiin, jifaana, taas oo sadaqo iyo waxwalba ugu filan marxuumka, illaahayna inta bukta ha caafiyo isagaa weyn oo dadkiisa caafiyee, intii dhimatayna Alle ha u naxariisto, cida aynu ula niyoonayna xasanaadkeeda iyo ajarkeedana ha ka sawaabiyo”
Hadaba Shacbiga Somaliland ayaa sanad walba, waxay xusan oo ay muujiyaan una duceeyaan Madaxweynihii geeriyooday ee qaranka Somaliland, shacbiguna ay meel ku suntadeen geerida marxuumka, iyadoo marwalba kala qaybgasha Marwo kaltuun Xaaji Daahir xusaska loo qabto marxuumka oo ay dhawr jeer muwaadiniinta reer Somaliland kagala qaybgashay gudaha hargeysa iyo gobolada dalka qaar ka mida oo lagu qabtay xusas baroordiiqa oo lagu xuso gaarida Madaxweynihii labaad ee Somaliland ka soo wareegtay, halka marwo kaltuun ay muddo badan iyagu ku keliyeysatay xusaskaa marxuumka.
DSC_0002

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Wa bilaahi Tawfiiq