Marxaladaha Jacaylka. W/Q: Axmed Cali Diiriye

0
699

Marxaladaha Jacaylka. W/Q: Axmed Cali Diiriye

Jacaylku ma marxalado ayuu maraa mise waa ku soo booddo? Jacaylku ma wax la xukumi karo baa mise waa mid isagu dadka xukuma? Ma ila aragteen hablo iyo inamo badan oo qoomamaynaya/ilmaynaya iyaga oo ka waramaya dhibta jacaylka ka soo gaadhay? Waxaas oo dhan waxa u dawo ah haddii la ogaado marxaladaha uu jacaylku maro.
Jacaylku waxa uu maraa saddex marxaladood: marxaladda isku xidashada, marxaladda is-baadhista iyo is-baandhaynta (is qiimaynta) iyo marxaladda la qabsiga.

1. Marxaladda isku-xidhashada
“Marka uu wiilku arko gabadha amaba ay gabadhu aragto wiilka qalbigiisa ayaa hoos u dhaca, waxa gala jidhiidhico, had iyo goor qofkaas waa uu soo xasuustaa niyadana uu ku hayaa.” Ladaba qof midkood haddii uu tilmaamahan isku arko qofkaasi qofkan kale uu ku xidhmay. Is weydii had iyo goor sababta aad gabadhana ugu xidhantay. In ay isku xidhmaanna waxa keenay laba sababood:
a) Baahi nafeed oo ka maqnayd oo uu ku arkay qofkan kale – dabadeedna dhammaystir ayuu dareemayaa.
B) Tilmaan soo jiidatay sida dabeecad ama qurux jidheed.
Marxaladani waxa ay socotaa saacad, haddii kale bil hadii kale wey ka badataa. Waxa ay ku xidhantahay uun kolba nooca shakhsiyadda qofka. Haddii aynu si kale u dhigno marxaladdani waa marxaladda xiisaha iyo iska helidda.

2. Marxaladda is-baadhista iyo is baandhaynta (is-qiimaynta)
Marxaladani waxa ay ka hadlaysaa in uu qofku iska shaybaadho qofkan uu ku xidhmay; wuxu ku wanaagsanyahay, wuxu ku xunyahay, dabeecadihiisa kuwa lala noolaan karo, kuwa aan lala noolan Karin, kuwa loo dulqaadan karo, kuwa aan loo dul qaadan Karin, waa in ay awoodda saaraan habkii loo soo tarbiyadeeyay, qoyskooda iyo sida ay isku yihiiin, qaraabadooda iyo xidhiidhka ka dhaxeeyaa waa mid nooce ah, asxaabtooda sida ay u macaamilaan iwm. Waa in uu qofba qofkan kale qiimayn balaadhan galiyaa waayo waa cidda uu ku aamini doono naftiisa iyo caqligiisa labadaba.
Markii ay labada qof isku xidhmaan ka dib, waxa habboon in aanay la iman/samayn waxyaabaha jacayladooda kobcinaya mashaaciirtoodana dhisaya, si aanu jacaylku u indho-tirin oo aanu u qarin ceebahooda iyo dhaliilahooda; marka ay is guursadaan ayaa ay heli doonaan wakhti dheer oo ay ku noolaadaan macaanka jacaylka. Tusaale ahaan, waxa aad arkaysaa wiil iyo gabadh ku jira marxaladda koobaad ee xiisaha (iska helidda) ku salaysan, dabadeed waxa ay ba ku dagdagaan guur iyaga oo aan is qiimaynin. Hadhowna dhaliilo badan ayaa ku soo baxa labada dhinacba. Tanina waxa laga yaabaa in ay guriga burburiso iyada oo khilaaf abuuraysa.

Waxa habboon in ay marxaladdan iyo marxaladda koobaad ba ay socdaan muddo badan si ay labada qof isku bartaan sida ugu fiican uguna habboon.

3. Marxaladda la qabsiga

Marka aad qofka ku soo qiimayso marxaladda labaad ee aad ogaato dhaliilihiisa iyo wanaagyadiisa labadaba, haddii ay kuu soo baxdo in uu qofkani kugu habboontahay, waxa kula gudboon in aad la timaaddo wadooyinkii aad ula dhaqmi lahayd dhaliilihiisa adiga oo qorshayaal ka dhiganaya. Tusaale ahaan, haddii uu ninku bila dulqaad yahay balse uu tilmaamaha kale ku fiicanyahay (wanaagyadiisu ka badanyahay dhaliilihiisa), waxa la gudboon in ay ku raacdo dulqaad la’aantiisa iyada oo qorshe ka dhiganaysa sidii ay ula dhaqmi lahayd marka uu xanaaqsanyahay/cadhoodo.

Gabogabadii, waxa habboon in uu qofku ogaado marxaladda uu ku suganyahay, sida oo kale, waa in uu ogaadaa marxaladda uu qofkan kale ku suganyahay. Labadooduba waa in ay is ogaadaan marxaladaha ay ku kala suganyihiin. Tani waxa ay saamaxaysaa in uu qof walba kan kale ogaado xaqiiqadiisa, in aan qofna la khaldin, la khiyaamaynin isaguna aanu khaldamin. Sidaa daraadeed, jacaylku maaha dareen kaliyaata oo inaga ina xukuma balse waa mashruuc dhan oo aynu inagu xukunno, waa haddii aynu saddexdaa marxaladood si fiican u fahanno.

Ahmed Ali Diriye
Mob. Phone: +252 63 346 44 47
Facebook: Ahmed Ali Diriye
E-mail: axmadiya@gmail.com/info@hagahaguurka.com
Website: www.hagahaguurka.com