Mashaariicda Ganacsadaha reer Kuwait ka hir-geliyey Degmada Sheikh uma baahna Carqaladdeyn Siyaasaddeed!!

0
507

Mashaariicda Ganacsadaha reer Kuwait ka hir-geliyey Degmada Sheikh
uma baahna Carqaladdeyn Siyaasaddeed!!
W/Q: Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud (Xandule)
Anigoo ku hadlaya afka Aqoonyahanka Gobolka Saaxil, gaar ahaan degmada
Sheikh, waxaan halkan ka beyaaminayaa in horumarka ka socda degmada
sheikh uu kow ka yahay Ganacsade Sh. Xamad Binu Sabaax Al-axmed oo ah
Ganacsade uu dhalay Boqorka dalka Kuwait, kaasoo maal-gashiga
balaadhan ku sameeyey degmada, tobankii sannadood ee u dambeeyey,
walina ku howlan sidii uu u sii balaadhin lahaa Maal-gashigaas.
Geesta kalena, mashaaruuc wax ku ool ah oo ay dadka deegaanku u
aayeen, una aayi doonaan ka fuliyey degmada sheikh, oo aynu odhan
karno waxa ka jiray dib u dhac baaxadleh. Haddii aynu tusaale kooban
ka soo qaadno Mashaariicda uu Ganacsadahan u dhashay dalka Kuwait ka
fuliyey degmada waxa kamida:-
Cisbitaalka Guud ee degmada oo uu ku caawiyey dib-u-dhis ku kacay
$2.5 milyan, Dhismeyaal uu u dhisay Dawladda ee Degmada.
Waddooyinka Magaalada oo u sameeyey (Security light) Laydh laga
dhaliyey Sollar-ka oo nabad-gelyada magaalada qayb weyn ka qaatay.
Guddida horumarinta Gobolka Saaxil ee Dan iyo Ducp, wuxuu ku caawiyey
lacag dhan $500,000 oo uu kaga qayb-qaatay Dugsiyo laga dhisay
Degmooyinka Sheikh iyo Dacar Budhuq, kuwaasoo ah Dugsiyo Boodhin ah.
Waxa kale oo uu sameeyey shaqo-abuuris uu uga faa’ideeyey Bulshada
degmada ku dhaqan, isagoo shaqaaleysiiyey labaatan qof oo uu shaqooyin
ka siiyey Beerta Xayawaanka lagu xanaanneeyo ee Degmada Sheikh ku
taalla. Waxa kale oo uu mushaharkooda bixiyaan dhakhaatiir ajaanib ah
oo ka howl-gala Cisbitaalka Degmada.
Ganacsade Xamad Binu-sabaax, waxa kale oo Magaalada ka hir-geliyey dib
habeyn lagu sameeyey adeegyada biyo-gelinta Magaalada, isagoo
maal-geliyey Mashruuc lagu bedelay Beebka Biyaha Magaalada u qaybiya.
Wax-qabadka Gobolka Saaxil iyo guud ahaan Somaliland-na mashaariicda
horumarineed ee uu ka sameeyey Ganacsadani, waxa kamida dib-u-dhiska
Madaarada dalka oo uu ku maal-geliyey Lacag dhan $20 oo dib-u-dhis iyo
casriyeyn lagu sameeyey Terminaalada iyo Run-way-da Madaarada. Tasoo
sababtay inay Madaaraddeenu la tartamaan Garoomada Geeska Afrika.
Dhamaan mashaariicdaas horumarkah isagoo qabtay, wali waxa uu
fulintooda gacanta ku hayaa Mashaariic kale oo aynu ka xusi karno, tan
iminka buuqu ka taaganyahay ee ah korantada laga dhalinayo Tamarta
Cad-ceeda iyo Dabeysha oo sida qorshuhu yahay uu ka hir-gelinayo
Buurta Qaras-goo uu ku rakibayo qalabka laga dhalinayo Dabkaas, balse
ay caqabad ku noqotay hindise sida muuqata daba ka riixayaan dad iyagu
dano khaas ah iyo kuwo siyaasaddeysan ka leh horumarka socda, kuwaasoo
qayb kamid ah bulshada deegaanka ka dhaadhiciyey in Macdan laga qodayo
Buurtaas.
Haddaba, isagoo waxaasoo horumar ah ka fuliyey dalka, walina u heelan
inuu sii wado dhismaha iyo horumarinta dalka, gaar ahaan Gobolka
Saaxil, loomana baahna inay ashkhaas kooban oo aaminsan ama xambaarsan
fikrado Xisbiyo Siyaasaddeed inay hor-istaagaan horumarka socda.
Sidaas darteed, Waxaan ugu baaqayaa Waxgaradka, Culimo-awdiinka,
Madaxdhaqameedka, Maamulka Saaxil, ka degmada sheikh iyo guud ahaan
Dawladda in wax laga dadka aan ogolayn horumarka ay cagta saartay
degmadu ee sida khaldan bulshada qaybaheeda wax ugu sheegaya, isla
markaana kicinta iyo war-xumo tashiilka ka abuuray, iyadoo aynu ka war
qabno inay Maal-gashadeyaal kale oo Carbeed ku soo hirteen gobolka,
tan iyo markii uu Sh. Xamad binu sabaax maal-gashiga ka sameeyey
Degmada Sheikh.
Maal-gashadeyaashaasoo aynu ka xusi karno, Ganacsadaha u dhashay Dalka
Imaraadka ee Maal-gashiga ka sameynaya Buurta Gacan-libaax.
Allaa mahad leh
Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud (Xandule)
Email: xandule01@gmail.com
Tel: 0634133314 Telesom