Mashruuca Tamarta Qorraxda ee Degmada Berbera, oo uu maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD)

0
294
Mashruuca Tamarta Qorraxda ee Degmada Berbera, oo uu maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD)
Berbera 12/1/2021  (WMG) Xaruntu Tamarta Qorraxda oo xaddigeedu yahay 7MW, waxa lagu hirgaliyay muddo aad u kooban,  si gacan looga gaysto harumarinta dalka, xilli dunida uu saameeyay xanuunka Coronavirus-ku.
 Xaruntaaa waxa laga tala galay in ay daboosho baahiyaha koronto ee bulshada degmada Berbera, oo lagu qiyaasi karo 50,000 oo qof.
Abu Dhabi, 12 January 2021:  Mashruuca tamarta qorraxda waxa maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dabay, mashruuca waxa laga hirgaliyay degmada Berbera, waxana xadhiga laga jaray Maanta oo Salaasa ah 12 January, 2021. Xarunta waxa lagu xidhay shabakadda dab wadaagta ee degmada Berbera, si loola jaanqaado korodhka baahiyaha koronto ee degmada oo dhan, oo ay ku dhaqanyihiin dad ku dhow 50,000 of qof.
Mashruuca koronto dhalinta isku sidkan ee Berbera oo xaddigeedu yahay 7 MW, oo la galiyay xaddi lacageed oo dhan 29.3 milyan oo Dirhamka Imaaraatka ah, waxana loo arkaa in uu isbaddal xoog leh ku samayn doona degmada Berbera, maadaama uu si xoog leh hoos ugu dhigayo qiimaha tacriifadda korontada, marka laga tago in uu gacansiinayo horumarka dhaqaale ee dalka iyo dhimista xaddiga kaarboonka hawada galaysa. Koboca magaalada berbera wuxuu soo kordhinayaa baahiyo koronto oo dhawr ah, kuwaaa oo xarunti dabooli doonto.
Mashruuca waxa xadhiga ka jaray Madaxwayne ku Xigeenk JSL Mudane. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo uu wehelinayo  Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Horumarinta Caafimaadka, Wasiirka wasaaradda Maalgashigga Sidoo kale waxa soo xaadiray masuuliyiin iyo wax garad kale oo tiro badan.
Mudane Maxamed Sayf Al Suwaydi, oo ah Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abu Dabay oo munaasabadda ka hadlayaa wuxuu muujiyey sida uu ugu qanacsanyihiin dhameystirka mashruucan oo muddo 7 bilood gudahood ah lagu soo gabagabeeyay, laga bilaabo Maarso ilaa Oktoobar ee sannadka 2020, iyadoo lagu jiray xilli adag oo uu dunida saameyay xanuunka Coronavirus. Agaasimuhu wuxuu yidhi “Mashruucan tamarta cusboonaata ee Berbera wuxuu door muhiim ah ka ciyaari doonaa dadaalka ballaadhan ee aannu wadno, si loo kobciyo  dhaqaalaha waddanka  iyo kor u qaadista heerka nololeed ee dadka degaankan deggan”, Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray mashruuca faa’iidadiisa loo dareemi doono siyaabo kala duwan, wuxuuna yidhi “Baahida loo qabo tamarta ayaa si isdaba joog ah ugu soo kordhaysa magaalada Berbera iyada oo dadku aad u bateen. Mashruucani wuxuu korontada ku siinayaa dadka  qiimo la awoodi karo, maadaama uu adeegsiga shidaalka qaaliga ah ku beddeli doono tamarta qorraxda. Taasi waxay horseedi doontaa dhaqdhaqaaqa dhaqaale oo sarreeya, helitaanka kayd dhaqaale, yareynta qiiqa kaarboonku  ee hawada galaya si loo helo hawo nadiif ah oo tayo leh. Tani waxay magaalada ku keeni doontaa isbaddal laxaad leh oo la taaban karo. ”
Mudane Jaamac X. Maxamuud Cigaal, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee JSL ayaa isna ka dhawaajiyey dareen la mid ah kaas, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimada mashruucan tamarta qorraxdu ku yeelanayo dadaallada horumarka waara ee dalka. Wasiirku wuxuu yidhi “Xaruntu waxay door laxaad leh ka ciyaari doontaa dadaalka aan ugu jirno in aannu hoos ugu dhigno qiimaha koronto dhalinta iyo tacriifta korantada, iyo dadaallada aan ugu jirno in la dhimo ku tiirsanaanta shidaalka ee dhinaca koronto dhalinta. Tani waxay u horseedi doontaa in la helo kayd dhaqaale oo saamaynaya qof kasta. Mashruucani wuxuu saamayn degdeg ah ku yeelan doonaa dad lagu qiyaaso 50 kun oo qof oo deggan degmada Berbera, oo ay dheertahay  saamaynta togan ee muddada dheer ee  ku yeelanayo dhammaan qaranka oo dhan, ”.  Wasiirku wuxuu intaa  ku daray “Muhiimad ahaan, mashruucu wuxuu gacan ka gaysan doonaa daboolidda baahida sii kordhaysa ee koboca dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degmada iyo sidoo kale ballaadhinta dekedda Berbera.”
Wasiirku wuxuu u mahadceliyey Sanduuqa Horumarinta Abu Dabay, isagoo ku ammaanay  in ay mashruuca kudhammeystireen waqti aad u kooban, inkasta oo ay jireen caqabado badan.  Wasiirku wuxuu intaa raaciyay “Mashruucu wuxuu yimi xilli aad loogu baahanyahay”,  isagoo ammaanay doorka Imaaraadka Carabta guud ahaan  iyo Sanduuqa Horumarintuba ka taageerayaan dalka Somaliland  dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Heshiis Isfahan (MoU) ayaa lagu saxeexay munaasabadda, taas oo uu markhaati ka ahaa Sandquuq Horumarinta Abu Dabay, oo  lahaanshaha xarunta lagu wareejinayo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo uga wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana magacawday shirkad la-talin ah oo ah, Shirkadda Coretec, si ay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta uga taageerto talo bixinta lagama maarmaanka ah ee ay uga baahato dejinta qaab dhismeedka guud ee hawlgalinta xarunta.
Waxa mabda’ ahaan waxaa heshiiyay in xaruntu ahaato Shirkad Dawlad iyo Ganacsato Wadaagaan (PPP),  si loo hawlgaliyo loona dayactiro xarunta tamarta qorraxda, oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee dalka ka hirgasha ee noocan loo maamulo. Wuxuu wasiirku yidhi “Tani waxay tusaale fiican u noqon kartaa dalka intiisa kale,”
Somaliland waxay ka mid tahay dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika oo Sanduuqa Horumarnta Abu Dabay ka taageero dawladda si ay u gaadhaan himilooyinkooda horumarineed. Sannadkii 2017kii, Sanduuqu wuxuu u qoondeeyay 330 milyan oo Dirhamka Imaaraatiga ah ($ 89.8 milyan oo Doolar) horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Somaliland. Qayb ka mid ah lacagtan ayaa loo isticmaalayaa mashruuca wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, oo la dhagax dhigay 2019kii.
Madaxwayne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil saylici Ayaa si wayn ugu mahadnaqay Dawladda Imaaradka carabta oo mashruucan ka hir galisay Berbera, wuxuu bulshada reer berberana ugu bushaareeyey in ay heli doonaan laydh jaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here