Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Gudoomiye Cirro Ugu Baaqay Inuu Is Casilo+Sababta Keentay.

0
893

Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Gudoomiye Cirro Ugu Baaqay Inuu Is Casilo+Sababta Keentay.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha Wakiillada ee ku abtirsada xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa ugu baaqay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro inuu si degdeg ah iskaga casilo xilka Guddoomiyenimada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama uu sharci-darro iyo xaaraan ku tilmaamay heshiiska labada gole baarlaman codka aqlabiyadda ah ku ansixiyeen ee xukuumaddu kula gashay Imaaraadka Carabta inay saldhig millatari ka samaystaan magaalada Berbera.
Md. Cabdulqaadir Jibriil oo qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah la hadlay shalay, waxa uu wax aan la qaadan karin ku sifeeyey dhawaaqyada mucaaradka, gaar ahaan xisbiga WADDANI ku diidan yihiin in saldhig millatari dawladda Imaaraadka Carabta ka samaysato madaarka Berbera, waxaannu carrabka ku adkeeyay in Madaxweyne Siilaanyo yahay mujaahid dalkan u soo halgamay oo aan mudnayn in laga daba qayliyo.
Waxa kaloo uu ceeb iyo fadeexad weyn oo siyaasiyeed ku tilmaamay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) inuu ka qaybgalo fadhigii labada gole baarlamaan ku ansixiyeen heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabta, kaas oo isaga iyo xisbigiisa WADDANI-ba ku sheegeen xaaraan.
Md. Tukaale oo arrimahaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Guddoomiye Cirro fadeexad weyn oo ceeb ah ayaa kala kulmay maalintii dhawad ee labada gole ee baarlamaanku ansixiyeen heshiiska xukuumaddu la gashay Imaaraadka Carabta ee saldhigga millatari kaga samaysanayaan Madaarka Berbera. Isagoo habeenkii oo dhan qaylinayey oo lahaa waa xaaraan heshiiskaas ayuu haddana subaxii soo horfadhiistay fadhigii labada gole yeesheen. Miyuu iscasilo haddii ragganimo ku jirto? golahana may ahayn in ay soo galaan isaga iyo xildhibaannadii la socdayba.”
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Sharaf-dhaca ugu weyn ee Cirro galay wuxuu ahaa waatii uu ka galay shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, waxaannu sameeyey maalintii murrashaxiinta madaxweynaha la dooranayey wax doorashada ku ceeb ah 900 boqol oo qof oo reerkiisa u badan ayuu soo galiyey shirkii golaha dhexe, dadna waxa lagu yidhi kaadhkii la idiinma hayo, dad kale oo aan la garanayna waxa la yidhi waa golaha dhexe. Fadeexaddii uu hore u galay guddoomiye Cirro ayuun baa ku qaraxday. 30 xildhibaan oo adag ayaa ku hareersanaan jiray, maantana nin la joogaaba ma jiro. Anigu ka mid baan ahaa, xisbigana waxa ka dhex jira ka galabta soo gala ayuun baa ugu darajo sarreeya oo talo la waydiinayaa, kii u soo dhabar jabay waxba kama jiraan. Kuwii dhulkii shacabka qaatay ayaa darajo ku leh xisbiga WADDANI oo safka hore ah. Kuwaasi maxay dadka u sheegayaan? Waxaannu lahayn waxaas ayaan beddelaynaa, wax alle wax uu beddelayaana ma jirto.
Maalintii la qabtay shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ee lagu doortay murrashaxiinta ayaa ugu dambaysay karaamo iyo sharaf. Gobolladii oo dhan taageero kama haysto maanta oo ma muuqdo. Gobolka Awdal calanka WADDANI ilaa Kallabaydh, ilaa Lowyo-caddo, Lughaya ilaa Cali-xaydh geedaha ayuu ka lushay, maantana xabbadikama lulato, waana muuqataa in xisbigaasi iska sii galbaday, dhaliisha ugu wayn ee meesha ka muuqtaana waxa weeye ninkii aannu shalay is haynay marka la darajeeyo ee uu aaminsan yahay in Xirsi wax u soo wado cid alle cid ay cod uga hayaan ma jirto.”
Xildhibaanku waxa uu sheegay in talada dalka loo igmaday madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in xukuumadda lagu taageero gudashada waajibeedkeeda qaran ee loo doortay, isla markaana la joojiyo dhawaaqyada lagaga soo horjeedo heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo magaalada Berbera.
“Somaliland waxa loo igmaday oo loo doortay madaxweyne Siilaanyo, waxaannu ahaa hoggaamiyihii jabhaddii hubaysnad ee SNM in la yidhaa ninkii loo doortay dalka waa tuug wax la qaadan karo maaha, dalkana cid kama laha, dalkana la qaadan maayo, taasina waa wax kale iyo fadeexad weyn haddii aan nin-na ninka kale aaminayn maxaa lagu soo halgamayey? Waxa aan leeyahay dawladdaas dhisan ayaa loo igmaday in dhaqaale abuurto oo ictiraaf abuurto oo horumarka dalka ka shaqaysa, haddana ma garanayno waxa lagu haysto, waxaanan leeyahay siyaasiyiintaas ka daba qaylinaya xukuumadda ciddaa wax loo igmaday ayaa heshiiska la gashay Imaaraadka Carabta.
Jabuuti oo kale 1993 ilaa 1998 kii mushaharkii shaqaalaha ayey bixin kari waayeen, waxaanay samaysteen saaxiibbo caalamiya oo saldhigyo ka samaystay dekedaha iyo madaarrada dalkaas, maantana dhaqaalaha Jabuuti waa dhisan yahay, markaa maxaa innaga lala qaylinayaa ee lala hanjabayaa? Waa fadeexad haddaannu golayaasha nahay waqtigii Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal mdaxweynaha ahaa intaas oo jeer ayaa lagu yidhi keen golaha baarlamaanka heshiiskii shirkadda TOTAL. Waa lagu kari waayey, markaa haddii xukuumaddani golayaasha horkeentay heshiiska saldhigga millatari ee Berbera inta qodob ee lagu heshiiyay ayaan ku daba soconnaa.”
Dhanka kale, xildhibaan Cabdulqaadir waxa uu meesha ka saaray inuu ka mid yahay siyaasiyiinta garabka toosinta xisbiga WADDANI ee ku biiraya xisbul-xaakimka KULMIYE, Khamiista maanta, isagoo eedaymo u jeediyey hoggaamiyaha garabkaas Mr. Axmed Muumin Seed.
“Garabkii toosinta xisbiga WADDANI ka soo go’ay waxa ay bayaabiyeen inay ku biirayaan xisbiga KULMIYE. Qorshe aanaan ku jirin ayey iska wateen, waxana meel walba ku yaal sawirradaydii oo ku jira, Axmed Muumin Seedna siyaasaddiisu iska tabcaan ayey ahayd, balse waxaannu ka soo xanaaqnay jariimadii uu xisbiga WADDANAI kala kulmay, markaa inanka wax badan ayaa ka lunsanaa, markii aannu garabka u dhiibanay ee uu guddoomiye noo noqdayna wuxuu ka dhigtay fijaan uu ku dawarsado,” ayey yidhi Md. Tukaale