Masuuliyiinta Madaxtooyada iyo Maamulka Waaxyaha shaqaalaha oo kulan Dardar gelina ka yeeshay Hawlaha Xuska 18-May sidii loo wajahi lahaa+Sawiro

0
350

Masuuliyiinta Madaxtooyada iyo Maamulka Waaxyaha shaqaalaha oo kulan Dardar gelina ka yeeshay Hawlaha Xuska 18-May sidii loo wajahi lahaa+Sawiro

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED:03/05/2016-Shir balaadhan oo ku saabsan qaban-qaabada iyo habsami u qabsoomidda sanad guurada 25aad ee dabaaldegga 18-May, maalinta la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, aya aku qabsoontay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland,

Shirkan oo uu gudoominaayey wasiirka wasaaradda Madaxtooyadu Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ay wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Geydh), iyo afhayeenka Madaxtooyada, ayaa iyaguna waxa xaadir ku ahaa dhamaan madaxda waaxyaha iyo qaybaha wasaaradda Madaxtooyadda.

Shirkan waxay ka qaybgalayaashu ku lafo gureen ujeedadii laga lahaa oo ahayd sida ugu haboon ee uu u qabsoomayo dabaaldeggan maamlmuhu inaga xigeen oo ah mid rubuc qarni ka soo wareegay dib u soo celinta madaxbanaanida dalka, kaasoo la filayo inuu noqdo mid taariikhi ah, iyadoo madaxtooyadu tahay tan tusaalaha u ah qaban qaabada iyo habsami u socodka fantisiyahan wayn ee loogaga diyaar garoobayo gobolada, degmooyinka, tuulooyinka, deegaamada iyo dunida ay ku dhaqan yihiin shacbiga Somaliland.

Ka qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen, waayo aragnimadoodii dabaaldegyadii hore ee 18-May loo qabtay, wixii goddoloolooyin ah ee ay lahaayeen, kuwaas oo ay taxeen, midmidna loo falanqeeyey duruusta laga baran karo, sidii aanay mardanbe u dhici lahayn, waxaan loo baahnayni.

Rog-rog badan iyo falanqayn dheer ka dib, waxay masuuliyiintu oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda Madaxtooyadu, ay soo jeediyeen talooyinka ugu haboon ee ay u arkayeen inay xal iyo sixitaan u noqon karto wixii laga dooday ee laysla gorfeeyey, iyagoo masuuliyiintu soo jeediyey in meel looga soo wada jeedo, gacmahana laysku qabsado sida ugu toosan ee ay ugu qabsoomayso xuska iyo damaashaadka 18-May, isagoo hore madaxweynuhu ugu dardaraay ummadda Somaliland in sanad guuradan la muujiyo qiimaha iyo qaayaha ay ugu fadhido shacbiga Somaliland maalintani, beesha caalamkana la tuso in aan madaxbanaanida Somaliland aanay wax-gorgortan ah lahayn, kuna daabacan tahay quluubta ummadda, sidii ay uga soo goday so laabashada madaxbanaanidooduna ay ku soconayso.

DSC_0002

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0023

DSC_0025

DSC_0027

DSC_0028

DSC_0029

DSC_0030

DSC_0032

DSC_0034

DSC_0035

DSC_0039

DSC_0047

DSC_0051

DSC_0059

DSC_0063

DSC_0064

DSC_0066

DSC_0067

DSC_0068

DSC_0070

DSC_0071

DSC_0081

DSC_0084

DSC_0100
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.