Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xisbiga WADDANI Oo Maanta Cisbitaalka international Hospital Ee Magaalada Hargeysa Ku Booqday Boqor Raabi Yusuf C/laahi Oo Xanuun Ku Soo Booday U Jiifa.‏

0
444

Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xisbiga WADDANI Oo Maanta Cisbitaalka international Hospital Ee Magaalada Hargeysa Ku Booqday Boqor Raabi Yusuf C/laahi Oo Xanuun Ku Soo Booday U Jiifa.‏

Hargeysa (Warsugannews)-Gudddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ahna ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Axmed Muunin Seed oo ay weheliyeen Xogahayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed C/laahi Uur-cade iyo Xoghaye ku xigeenka warfaafinta Xisbiga WADDANI C/rashiid Jeeni iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa maanta Cisbitaala international Hospital, ee magaalada Hargeysa ku bookhday Boqor Raabi Yusuf C/laahi oo kamid ah madax- dhaqameedka dalka,kaas oo cisbitaalkaa u jiifa xanuun ku soo booday.

Masuuliyiintan Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa isla qolka lagu daaweyanayo boqorka Raabi Yusuf C/laahi ee cisbitaalka International Hospital ee Magaalada Hargeysa ku booqday,iyagoo halkaasi uga duceeyey, isla markaana Alle uga baryey inuu xanuunka ka dul-qaado oo uu caafimaada deg deg ah siiyo boqorka.

Dhanka kalena dhakhaatiirta Cisbitaalka International Hospital ka howl-gasha ayaa masuuliyiinta Xisbiga WADDANI uga war-bixiyey xaalada Boqor Raabi Yusuf C/laahi, waxaanay sheegeen inuu hadda ka soo raynayo caafimaadka boqora Raabi Yusuf marka loo eego sidii hore.