“Masuuliyiinta Xisbiyada Ee Madaxnimada Doonaysa, Maalmihii Dhawayd Waxay U Dhaqmeen Sida Yaryarka Facebook-Ga Ku Murma,” Cali Guray

0
347

“Masuuliyiinta Xisbiyada Ee Madaxnimada Doonaysa, Maalmihii Dhawayd Waxay U Dhaqmeen Sida Yaryarka Facebook-Ga Ku Murma,” Cali Guray

Hargeysa(Warsugan) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in siyaasiyiinta sannadkan u ordaya kursiga madaxweyne u dhaqmeen sida dhalinyarada dhashay bacda 1991. Waxa uu naqdiyay sidii xisbigiisa Kulmiye u canjarafeeyay bookhashadii hoggaanka xisbiga Waddani ku tagay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya, kaasi oo laga faafiyay warar ku saabsan inay halkaasi kula shireen madaxda Somalia, islamarkaana doonayaan midnimo kale.

Mujaahid Cali Guray oo dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye ayaa aamminsan inay masuuliyad darro ahayd sidii madaxda xisbiyadu uga yooyootantay warbaahinta “Maalmahan dhawayd siday u dhaqmeen masuuliyiinta xisbiyada oo ay ku jiraan kuwa ugu sarreeya ee doonaya inay madaxweyneyaal noqdaan, qaabkay u dhaqmeen waxay ahayd sida kuwan yaryar ee dhawr iyo sagaashankii dhashay ee Facebook-yada ka murma ee isagoo 1994 dhashay kaaga warramaya dagaalkii sokeeyaha sidoodii oo kale ayuun bay u hadleen laakiin, umay hadal sidii rag waaweyn oo xogogaal ah oo danaynaya midnimada bulshada,” ayuu yidhi Cali Guray.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu xisbiga Kulmiye ee uu hadda taageero ku raacsanayn siday ula dhaqmeen Waddani “Qoladan Kulmiye runtii kuma raacsanayn weerarkii tooska ahaa ee ay ku qaadeen Waddani markii ay Nayroobi tageen, sababtoo ah hay’addo qaran oo inoo ilaalisa amniga iyo ciddii khiyaamo gelaysa ayaa jira, saxaafaddaha ayaa iska jira. Warbaahintu ma laha afla qabto laakiin, xisbi Qaran inuu toos u weerarro xisbi kale waan ka soo horjeedaa, falcelintii Cabdiraxmaan Cirro iyo xabaalihii uu dib ugu noqdayna waxay ahayd ka sii dar,” ayuu yidhi Cali Guray.

Waxa kale oo uu soo dhaweeyay kulanka madaxda dhaqanku ugu caqli celiyeen musharraxiinta xisbiyada “Maalmahan ba waxaanu ku jirnay in dadka iyo salaadiintu yidhaahdaan ‘ waar bal cod iyo doorasho ayuu dadku u diyaar yahaye inay dhiig idiin shubaan diyaar uma aha,” ayuu yidhi Cali Guray.
Salaadiinta Somaliland ayaa hoggaanka saddexda xisbi isugu yeedhay, islamarkaana ku boorriyay inay joojiyaan weedhaha xanafta leh oo barmaamij ku tartamaan.
Xigasho Wargeyska Warsugan