Maxaa Hortaagan In Uu Qofka Is Bedel Sameeyo Iyo Talaabooyinka Is Bedelka Lagu Gaadho qalinkii W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Shaam Cade)Qaybtii 1aad

0
531

Maxaa Hortaagan In Uu Qofka Is Bedel Sameeyo Iyo Talaabooyinka Is Bedelka Lagu Gaadho
qalinkii W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Shaam Cade)Qaybtii 1aad

Sidee baa naftaada u bedeli kartaa Change ( Maaraynta nafta ) is bedelka waa shay aad u muhiima wax kastana waa is badelayaan inaad naftaada bedesho oo dhinac wanaagsan aad u bedesho aad bay muhiim u tahay waxa maanta si gaara uga hadli doonaa maanta Culimada ku takhasusay Cilmiga psychology ga waa Culamaa u nafsiga’e waxay yidhaahdaan bani aadamku hadii uu rabo inuu naftiisa bedelo oo caado uu bedelo ugu yaraan 21 cisho qofkaas waa inuu ku dhaqmaa hadaad 21 cisho ku dhaqanto si joogta ah waxa hubaal ah markay dhamaadaan mudadaas wixii ka dambeeya shaygaas aad ku dhaqmaysay caaduu kuu noqonayaa mana joojin kartid su’aasha isweydiinta leh waxa ay tahay is bedelka waa maxay? is bedelka waxa lagu qeexaa waa in aynu iska bedelno xaaladan aynu ku suganahay iskuna bedelno xaalad ka fiican xaaladii aynu ku jirnay .

Hadaba qodobka aan rabo si fiican in aan u qeexo waxa weeye is bedelka yaa u baahan ? xaaladahee bay daruuri tahay qofka inuu is bedelo ? goormaa loo baahan yahay inaad is bedesho ? waxa jira xaalado gaara haday ka muuqdaan naftaada aad ku arakto waxaa daruuriya in aad is bedesho xaalada ugu horeesa waa :-

markaad niyad jabsantahay oo daruufaha aad ku nooshahay ayaa ku niyad jabiyey
sida shaqo la’aan inay kugu dhacday ama waxbarashadii kuma fiicnid waa marka aad u baahantahay inaad is bedesho si niyad jabkaa aad uga baxdo sidoo kale waxaa lamida markay rajadu kugu yaraato wax badana aad rajeyneysey weydo oo walaaca kugu bato waana waqtiga uu qofku u baahanyahay inuu is bedelo ,waxaa kale oo kamida hadii ay mashaakilka kugu bataan oo meel kasta mashaakilka kaaga furmaan waxay tilmaamaysaa inaadan garanayn sida mashaakilka loo xaliyo waxaanad u baahantahay inaad is bedesho waxa kale oo lamida marka wax qabad kaaga aad u yaraado waxa ay tilmaamaysaa inaad u baahantahay is bedel si wax qabad fiican aad u yeelato , waxa kale oo lamida marka aad dhowr jeer fashilanto fashilkana kugu soo noq noqdo waxaad u baahantahay is bedel sababtu waa dariiqadan aad ku noq noqotay ee kugu keentay fashilka waa inaad ka gudub taa oo dariiqad ka duwan taa la timaadaa .

Sidoo kale marka aad dareento naftaadu inaysan farax saneen oo ay san deganaansho iyo raaxo dareemayn oo aadan nolol farxadaa ku noolayn waa xaaladaha u baahan in aad is bedel samayso si aad farxad u hesho waxa kale oo lamidaa marka aad dareento dadkii kula midka ahaa sida saaxibadaa inay meel sare gaareen adiguna wali aad meeshii taagantahay waxay tilmaamaysaa inaad ubaahantahay is bedel xaaladahaas oo dhan waa xaaladaha daruuriga iyadoo markasta qofku u baahanyahay kor inuu u sii socdo kuwana waa aadka u sii muhiimka ah hadii kale qofka ku keeni kara dhibaatooyin aad u badan.
maxaa hortaagan in uu qofka is bedel sameeyo ?
waxaa jira dhowr qodob oo arintaa ku saabsan :-

waa baqasho oo waxa uu qofku ka baqanayaa hadii uu xaaladan hada ku jiro iska
bedelo xaalada kale isku ma hubo sida ay noqonayso markasta naftuna waxay jeceshahay sideedaa ay ku nooshahay caadada u ahayd inaanay iska badalin laakiin taa waxa aynu ku daweynaynaa ficilka hadii baqasho ku soo gasho adoo doonaya is bedel waxaad ku daweynaysaa inaad ficilkii samayso markaad samaysana baqashadii way kaa tagi.

waa walaac :- qofku waxa uu ka wer wersanyahay hadii uu isbedel sameeyo inuu waayi doono saaxiibadii ,
Tusaale:- hadii uu jaadka iska daayo saaxiibadii aad jaadka la cuni jirtey ma helaysid oo ma wada fadhiisanaysaan hadii uu xaalada uu galayo walaac ku jiro qofku isma bedelo laakiin waxaa lagu daweynayaa oo naftaada la weydiiyaa is bedelka imaanaya raaxo intee le’eg ayuu leeyahay haday raaxadiisuna badantahay waad is bedelaysaa oo naftaada raaxadaas ayey raacaysaa.
Kelinimo :- qofka hadii uu dareemo kelidii inuu hawsha qabanayo ,
Tusaale : – qofka hadii uu rabo inuu tamaariin ,jimicsi isboorti sameeyo oo uu is arko kelidii in uu soo kacayo cid kalana aan kula socon arintaasoo kale qofku walaac ayey ku abuuraysaa laakiin waxa lagu daweeyaa waxa la sameestaa cid kaloo ku soo raacda oo hawshan kula qabata taasi markaa waxa ay kaa kor qaadaysaa inaad dareento kelinimo.

qofku hadii uu dareemo is bedel wayn inuu u baahanyahay laakiin is bedelkaas hadii
uu sameeyo ay dhici karto inuu sii wadi kari waayo oo halkiisii hore ku noqdo hadii arintaa soo gashana isma bedelayo qofku laakiin taa waxa lagu daweeyaa is bedelku markaad samaynayso in yar in yar baa loo bilaabaa hadhow way kuu soconaysaa markaa si fiican baad isku bedeli kartaa.
qofkii oo aan haysan resource gii loo baahnaa :-

Tusaale :- waxaad is leedahay is bedeloo wax baro laakiin wixii wax lagu baran lahaa iyo kharashkii u baahnaa ma haysid waa wax yeelada keena qofku inuu is bedeli waayo laakiin dawadeeda waxa ay noqotaa qofku inuu is weydiiyo meeluu wax ka heli karo naftiisuna ay fekerto qaabkii uu uga gudbi lahaa oo qaab cusub keeno.
Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (Shaam Cade)
Abdirahmaanho@hotmail.com