Maxaa Ka Jira In KULMIYE Lagaga Adkaaday Doorashooyinkii Wada Socdey?

0
302

Qoraalkan waxa igu kalliifey markii waraysi aan siiyey MMTV 29.06.2021, lana sii daayey xalay 01.07.2021 laga reebay ujeeddadii aan ka lahaa, waayo qofku marka uu waraysi bixinayo ujeeddo ayuu ka leeyahay, tas oo ah in uu xog ama farriin ku gudbiyo, waraystuhuna ujeeddo kale ayuu ka leeyahay, lagana yaabo in ay labada ujeeddo kala duwanaadaan.

sidaa darteed waxaa laga rabaa waraystuhu marka uu waraysigii gudbinayo in labadii ujeeddaba ay ka dhex muuqdaan, haddiise ay mid keli ahi ka muuqato waxa is beddelayaba Nuxurkii iyo ujeeddadii, waxaanay keeni kartaa faham khaldan oo daawaduhu ka qaato, waayo hadalku isaga ayaa is dhamaystira ama is macneeya.

waxa kale oo igu kalliifey in aan halkan si xaqiiq & tirooyin ah (Fact and Figures) u soo dhigo caddaymaha sida doorashooyinkii dhacay xisbiyadu codadka u kala heleen gaar ahaan KULMIYE & WADDANI si daawaduhu ama akhristuhu u helo xog ka maqan ama hadday ugu liidato uu xaqiiqda ogaan karo, waa qofka ay sidaa ula socone.

akhristayaal waxaan idinka raalli gelinayaa haddii qoraalkani dheeraado, anigoo og in qoraalka gaaban ee nuxurka xambaarsani ka fiican yahay kan dheer hadduu doono faa’iido badaniba ha ku guda jirtee.

waan daawaday masuulyiin iyo siyaasiyiin meelo fagaarayaal ah kaga doodaya KULMIYE taageeradiisii hoos u dhacday marka loo eego doorashadii Madaxtooyada 2017kii.

Horta marka hore doorashooyinka waxa la isu barbar dhigaa siday isugu egyihiin sida Doorasho Madaxtooyo iyo mid kale oo madaxtooyo, mid Wakiillo iyo mid kale oo Wakiillo, sax maaha in la is barbardhigo laba doorasho oo kala nooc ah sida Doorsho Madaxtooyo iyo mid deegaan.

DOORASHADII 2005

==============

Doorshadii 2005 KULMIYE halkuu taagnaa.

waxa uu helay 28 xidhibaan, tan maantana waxa uu helay 30 xidhibaan.

waxa xisbiguu UDUB kaga sareeyey saddex Gobol oo kala ah Awdal, Saaxil iyo Sool, oo isku darkooda laga sarreeyey 8 Xildhibaan.

KULMIYE waxa uu ku sarreeyey laba gobol oo kala ahaa Maroodi jeex iyo Togdheer oo isku darkooda oo ku sarreeyey saddex Xidhibaan.

gobolka sanaag isku mid ayay ahaayeen.

DOORASHADA 2021

=============

Doorshada 2021 Xisbiga KULMIYE wuxuu ku sarreeyey Gobollada Maroodi jeex, Sool, iyo Saaxil oo isu geyntooda kaga sarreeyo xisbiga WADDANI saddex Xidhibaan.

waxa anu ku sareeyaa Gobollada Togdheer iyo Sanaaga oo isu geyntooda uu ku horreeyo afar Xidhibaan waana halka uu ku jiro xidhibaanka 31aad.

waxay is le’egyihiin gobolka Awdal.

Haddaba tirada guud ee codadka Hordhaca ah labada xisbi waa sidan

WADDANI = 259,144 Cod

KULMIYE = 257,020 Cod

Faraqa Waddani ku horreeyo 2,124 Cod

Marka Degmooyin loo dhigo oo ah 2oka degmo ee doorashadu ka dhacday iyana waa sidan:

KULMIYE = 268,806 cod

WADDANI= 260,841

faraqa Kulmiye ku horreeyo 7,965 Cod

Marka la kala gooyo 7,965 iyo 2,124 waxa Kulmiye ku sarreeyaa guud ahaan 5,841.

horta dhinaca codadka marka laga eego waxa sarreeya KULMIYE

dhinac kale aan u dhigo

Kulmiye waxa uu ku horreeyaa xidhibaanno deegaan ahaan 9 Degmo oo kal ah:- Berebera, Gebiley, balligubadle, Sallaxley, Gar’adag, Lughaya, Caynabo, Xuddun iyo Taleex.

Waddani waxa uu ku horreeyaa 6 degmo oo kala ah:- Burco, Oodweyne, Buuhoodle, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Baki.

Waxa labada Xisbi is le’egyihiin shan degmo oo kala ah:- Ceeelafweyn, Boorame, saylaca Laascaanood iyo Sheekh.

haddaba waxa la is weydiin karaa sidee xisbiga intaas oo codad iyo demooyin ah ku sarreeya looga qaaday maayarrada shan degmo oo A Garade ah loona dheeraaday xubin Baarlamaan.

jawaabtu waa sahlan tahaye iga hooya.

Hortra maayarrada xisbi ma qaadin ee laba xisbi ayaa is kaashaday.

xubinta baarlamaanka, codadka Xisbi helo iyo sida xubnaha doorashada ku soo baxa loo kala helaa waa kala nooc.

waxaa jira Gobol ugu yaraan 5-11 musharrax oo aan soo bixini ay cod badan yihiin musharraxiin kale oo soo baxay, sababta adigu dib u baadh.

arrin kale aan wax yar ka idhaahdo.

doorashayooyinka noocan ah lama kala doorto xisbiyo, waxase deegaanku raacaa hlka musharraxoodu iska sharraxo isagoo aan xisbigaba taageersanayn.

waxa kale oo jirta taageere xisbi oo laba musharrax oo laba xisbi ka kala sharrax midba goonnidiisa ugu codeeye, macnuhu waxa weeye midna wakiillada yuu ugu codeeyey midna deegaanka.

Gebo Gebo.

========

Kulmiye ma jiro codad lagaga horreeyaa ee isaga ayaa saddexda xisbi ugu sarreeya marka codad la eegayo, qofkii ku qanci waayaana ha isu geyso isagu natiijadii hordhacaya hayd oo saxeexanna ha raadsado.

KULMIYE ma jiro maayarro xisbi ka qaaday ee laba xisbi ayaa is kaashaday xaqna way u leeyihiin, cidina filan mayso in hal xisbi lanba xisbi ka codad bato.

Dhaqankeenna ayay ahayd in labada xisbi mucaarad ku midoobaan doorashooyinka noocan ah ee ugub maaha.

waxaan mar kale idinka raalli gelinaya dheeraanta qoraalkan, iyo haddii wax error ahi ku jiran waayo dib umaan soo akhriyin.

waxaan idinka raalli gelinayaa haddii wax khalad ahi xisaabtan ka soo baxaan waayo bashar baan u wada nahay.

W/Q Cabdikariim Xinif Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here