Maxaa lagu garan karaa in qofku dhintay? (WQ: Cabdiraxmaan Hayaan)

0
130

Maxaa lagu garan karaa in qofku dhintay? (WQ: Cabdiraxmaan Hayaan)

Ma jirto qeexdin sax ah oo ka dhaxaysa dhakhaatiirta adduunka oo dhan oo sharraxaysa in qof dhintay, haddana qofka marka aynu u malaynno inuu dhintay ama ehelladiisu ka shakiyaan inuu dhintay iyo in kale waxa ay u geeyaan dhakhtar, kaasoo hadalkiisa si buuxda loo qaato. Haddaba waa maxay aqoonta ay isticaalaan dhakhaatiirtu ee ay ku ogaadaan in qofku adduunka ka tagay? Su’aashaa waxa aynu kaga jawaabaynnaa gabagabada qoraalkan kooban ee aynu ku iftiiminyanno liidka khafiifka ah ee u dhexeeya nolosha iyo dhimashada.

Dhawaan ayaa waraysi laga qaaday nin xaabaalaha qoda oo xafaar ah magaalada Hargeysa uu wariyay qisooyin cajiib ah oo sheegaya in dad nool la’aasi gaadhay, iyada oo qaar markii iilka lagu sii waay ka dul keceen naxashkii lagu siday, qaar kalena markii lagu tukanayay ay kaceen, lagana yaabaa in ay dhacday in nool la aasay.  Haddaba  sheekooyinkaa markii aan maqlay ilamay noqon qaar aan mustaxiil ahayn, waayo waxay caddayn u tahay in aanay jirin calaamado la eego ama qeexdin la wada raaco oo sheegaysa in qofku dhintay. Qofka  waxa la yidhaahdaa waa uu dhintay marka uu wadnihiisu istaago ama la arko inaanu neefsanayn. Balse taasi ma ku filan tahay in lagu ogaado in qofkuu dhintay?

Daraasad la sameeyay sannadkii 2013, waxa lagu sheegay in kiisaska dadka wadnaha lagaa soo booday ama wadnuhu istaagay ee loo adeegsaday mishiinka loo yaqaanno CPR( CardioPulmonary resuscitation) ay suurtagal noqon karto in muddo 38 minit ah loo lagu soo celin karo garaacii iyo shaqadii wadnuhu hayay, waa se haddii aanu jirin dhaawac culus oo maskaxda ka so ogaadhay.

Haddab waa halkan meesha ay kala duwanaanshuhu ka bilaabmayaa, waana meel aad u muhiim ah   marka ay maskaxdu gabi ahaanba joojiso shaqada ma jirto si loo soo celin karaa, mana jirto si garaacii wadnaha dib loogu soo celin karaa shaqadana halkaas ayuu ku joojinayaa, xataa haddii lo isticmaalo mishiinka naqaska.  Maskaxdu waa xubinta jidhka ka midka ah innoo saamxda inaynu ka war haynno adduunyada innagu xeeran, aragga, maqalka, taabashada, dhadhanka iyo hadalka intaasoo dhanba waxa ay qofka ka dhigaan qof nool oo soo jeeda oo lagu xisaabtami karo inuu nool yahay(Consciousness).

innaga oo taa maskaxda ku haynna qofku marka uu miyir doorsoomo ee uu dib u soo noqon waayo ayaa lagu qeexi karaa inuu dhintay, saynis yahannaduna arrintaa waxa ay ogaadeen oo kaliya 1959kii.

Waxa kale oo jirta arrin aad la yaabi doonto, marka aad seexato maskaxdaadu ma shaqayso, waxaana la yidhaahdaa qofka seexdaa waxa uu la mid yahay qof dhintay iyada oo ay ugu wacan tahay istaagidda ay shaqadii joojiyeen unugyada dareenka ee maskaxdu( brain stem effector neurons) marka uu qofku seexdo, sidaasoo kale maskaxda banii aadanku waxa ay joojisaa shaqada marka qofku dhinto iyada oo keenayso inuu qofku miyi doorsoomo ama miyir-daboolmo. Faraqa kaliya ee labadan xaaladood u dhexeeyaa waa  miyir-daboolanka yimaadda qofku marka uu seexdo waa uu  ka soo noqon karaa, balse miyir-doorsoonka ku dhaca qofka marka uu dhinto kama soo noqon karo lagamana soo celin karo. Taa awgeed dhakhaatiirtu marka ay ku dhawaaqayaan qof inuu dhintay waa inay ku xaddidaan caddayntooda xaaladda maskaxda ama Brain stem oo kaliya miyay dhimatay mise waa ay nooshahay.

Balse quraanka kariimka in qofku marka uu dhintaa ay tahay marka ay maskaxdu si abadiyan ah u joojiso shaqada waxa uu sheegay in ka badan 14 qarni ka hor. Ilaahay waxa uu ku sheegay aayadda 60naad ee Suurat Ancaam sidan.

وَهُوَ ٱلَّذِى يَتَوَفَّٮٰڪُم بِٱلَّيۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا جَرَحۡتُم بِٱلنَّہَارِ ثُمَّ يَبۡعَثُڪُمۡ فِيه لِيُقۡضَىٰٓ أَجَلٌ۬ مُّسَمًّ۬ىۖ ثُمَّ إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡتَعۡمَلُونَ

Ilaahay waa Allaha idin dila habeenkii( Markaad seexataan) waana Allaha og waxa aad maalintii samaynaysaan, kadib waa uu idin soo  nooleeyaa( kiciyaa) mar kale, si aad u sii noolaataan muddoo cayiman ……..)

Aayad kale oo ku jirta suuratu Zuamr  Ilaahay Korree oo Ceeb ka nasahnaaye, waxa uu ku yidhi

(اللَّهُ يَتَوَفَّى الْأَنفُسَ حِينَ مَوْتِهَا وَالَّتِي لَمْ تَمُتْ فِي مَنَامِهَا فَيُمْسِكُ الَّتِي قَضَى عَلَيْهَا الْمَوْتَ وَيُرْسِلُ الْأُخْرَى إِلَى أَجَلٍ مُسَمًّى إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ ﴿٤٢﴾

(Ilaahay waxa uu qaataa nafaha marka ay dhimanayaan iyo kuwa aan dhiman ee hurdada ku jira, kadib waxa uu agtiisa ku hayaa kuwa wakhtigoodii ay dhimashadu ay gaadhay, kuwa kalena kalena waa uu u soo celiyaa naftooda illaa wakhti cayiman, xaqiiqo ahaanna arrintaasi waxay cibro qaadasho u tahay dadka fakaraya).

Labadaa aayadoodba waxa ay si cad u sheegayaan in qofku marka uu seexdo iyo marka uu dhinto ay isku mid yihiin, waxa kaliya oo ay ku kala duwan yihiinna ay tahay ku soo noqoshada xayndaabka nolosha.

Sidoo kale waxa aaydahan Quraanka ah sii xoojinaya axaadiista nabigeennii suubbanaa NNKHA kuwaasoo iyaguna sheegaya in hurdadu tahay dhimasho yar.

“والذي نفسي بيده لتموتن كما تنامون، ولتبعثن كما تستيقظون،

Haddaba Si aynu u qiimaynno  nolosha banii aadanka waa in aynu isku raacnaa qeexdin rasmi ah oo sheegaysa in qof dhintay. Sida uu quraanku sheegayna qeexdintaasi wa inay salka ku haysaa in marka maskaxda qofka laga hadlayaa ay u dhimato si abada ah oo aanay soo dib u soo noqonayn.

 

C.raxmaan Hayaan

Cbdrxmngeni@gmail.com ,Hargeyssas, Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here