Maxaan Ka Aaminsanahay Dawladnimadda   W/Q  Cabdiraxiim cabdilaahi Shiine

0
312

Maxaan Ka Aaminsanahay Dawladnimadda

W/Q  Cabdiraxiim cabdilaahi Shiine

Erayada ugu muhiimsan ee badanaa loo adeegsado in lagu qeexo dawladaha  waxaa ka mid ah sida Boqortooyo, Oligarchy, iyo dimoqraadiyadda  waxay asal ahaan ka soo jeedaan Giriig ama Roomaaniyiin. Waxay ahaayeen kuwa jira wax ka badan 2,000 oo sano.
Aan usoo daadago ujeedad maqaalkaygan aan kaga hadlayo waxaan ka aaminsanahay Dawladnimadda, waxaan ka mid ahay jiilkii dhashay wixii ka dambeeyay 1991 ka dib markii ay Somaliland la soo noqotay xornimaddii ay 1960 ku darsatay koonfurta somaliya. Jiilkan wax badan  kama oga nidaamka dawladnimadda ama maysan darsin qaabka ay dawladnimadu ushaqayso iyo waxay tahay boqolkiiba shan iyo sagaashan 95%  waxay aminsanyihiin isku fikir qudhaata in dawladnimada iyo qabyaaladu ay yihiin isku mid, oo dawladnimadda markaa jirta loo nusbeeyo haddaba qolada uu yahay qofka markaa u sareeya. Xisbiyadda mucaaridka ahna layidhaa iyaguna waa reer hebel.
Jiilkan aynu ka hadlaynaa ee dhashay wixii ka danbeeyay 1991 waxay madax la kaceen ama caqligood la odhankaryay waxbuu maamuli karyaa sanadihii 2011,2012,2013 ilaa imka oo ay tahy 2020. Waqtiyadda aan soo sheegay dalka Somaliland  waxaa ka talinayay xukuumadihii kala danbeeyay ee Kulmiye, kuwa jiilkaa baabiiyay maskax ahaan caqli ahaan, cilmi ahaan ee qabyaalada iyo reernimadda ku beeray jiilka cusub loona haysto Aduunkan aynu joogno iyo Aakhirada danbeba waa madaxdii kulmiye ee kala danbaysay.

Shaqooyinka Loo Doonto Dawalada

Intii Kulmiye ka talinayay waddanka waxayaalaha la arakay waxaa ka mid ah in la arko Arday jaamacad ka baxay isla markaa aan aqoontiisa ku kalsoonayn oo Caaqil ,Suldaan, Wasiir, Xildhibaan , Agaasime, Ganacsade, ama nin magac ku dhex leh Bulshada ama Dawalada  dabada galinnaya si ay shaqo ugala baadi doonaan Dawladda, waxa kaloo la arkayay in qof qudhaati u laba meelood oo dawladda ah mushahar uga wadda xaadiro wallow imika dadaal ay samaysay sanadihii ugu danbeeyay Hayadda shaqaaluhu lagu yareeyay dadkii labada meelood mushaharka uga xaadirayay , ugu danbayntii ta ugu layaabka badan ee lagu dhex arkay shaqaalaha dawladu in grade A uu ku mushaharqaato qof aan aqoon lahayn ama aan shahaado jamacadeed sidan iyadoo heerka lagu gaadhsiiyay Qabyaalad iyo Nin jeclaysi taas niyad jab weyn ku abuurtay  ardaydii jamaacadaha kazoo bixi jirtay.

Xisbiyada Iyo Mucaaraadnimadda

Waagi mucaaradka weyn lagu hayay xukuumadii Udub ee uu hogaaminayay Mudane Daahir Riyaale Kaahin xisbiyada mucaaradku oo ugu tun weynaa Xisbigii Kulmiye lama aaminsanayn inaya xisbiyadu ay yihiin reero ama lagula dhaqmi jiray sidiiyo loo arkayo reero kasoo horjeeda Xukuumadii ay mucaaradada adag ku hayeen ee Udub.   Lakiin Xukuumadihii kala danbeeyay ee Kulmiye waxay dhalinta soo kacaysa ugu sheekeeyeen in Mucaaradka ka soo horjeeda Dawladooda ay yihiin reero gaar ah iyadoo dorashadii ugu danbaysay ee dalka ka dhacday ay samaysay heerkii ugu sareeyay qabyaalada iyadoo musharixiintii kulmiye ay ku olalaynayeen in Xisbiyadda Mucaaradka oo ugu horeeyay Xisbiga waddani ay odhan jireen Musharixiisa iyo tageerayaashiisuba ay inagu wadaan midnimadda Somaliya   taasina waa nasiib darro usoo hoyatay Xukuumadihii Kaladanbeeyay ee Kulmiye.

Baarlamaanka Iyo Guurtida

Jiilkan aynu ka hadlaynaa intii ay jireen may dooran wax xildhibaan ah oo fadiista Golaha Baarlamaan ah mana yaqaanaan qaabka loo doorto ama loo soo xullo Golaha guurtida kaliya waxay arkeenun kuwii ay ku garaadsadeen oo muddo ka badan 15sanno iska fadhiya kuraasta oo aad moodo inay ka dul baxeen kuraasta. Xildhibaanadda Golaha wakiiladu asal ahaan waxaa laga soo doortaa Gobolada ay dagaan siyaabaha lagu soo doortana waxaa ka mid ah in Qaarkood lagu soo doorto hab qabyaaldaysan, hab codka la iibsanayo oo la raryo dadweyne lana gaynayo meelkale si ay ugu soo codeeyaan musharax aan deegaankooda ahayn sidii dhacaday doorashadii 2005 iyo hab layidhaa is xambaar oo lagu soo saari jirey xildhibaanadda ka soo jeeday meelaha fog fog islamarkaana aanay gaadhin nidaamka dawladnimada Somaliland. Xildhibaanadaasi way yaryihiin xildhibaanka dagmadii laga soo dooratay ku noqday ama wax uqabatay habanoqoto inuu bil qudha ku caawiyay mushaaharada ay qataan.
Xildhibaanada guurtidu waagii la sameeyay waxay ubadnayeen odayaal dhaqameed ujeedadooyinka waxaa ugu weynaa in ay ka qaybqataan hawlaha nabadaynta iyo dajinta colaadaha ka dhex qarxa beelaha wadda daga gobolo isku mid ah  ama kala dagga gobolo kal fog. Lakiin golahaasi wuxuu isku badalay gole dhalinyarro oo odeygii wayeel ah ee dhintaba waxaa lagusoo badalaa ama kursigiisa lagu fadhiisinayaa  Wiilasha  uu dhallay mid ka mid ah ugu danbayntii golihii wuxuu ku sii socdaa inuu noqodo Gole dhallinyarro  oo dhaxaltooyo ah, mana yaqaanaan jiilka aynu kahadlaynaa qaab dhismeedka Golahaasi iyo sida loo soo doorto.

Booliska Iyo Saldhigyadda

Booliska waa saxiibka dadweynaha waxaana loo sameeyay inay ilaaliyaan nabadgalyadda kana hortagaan wixii nabada khalkhalinaya  kaas oo ay xidhayaan dambilayaasha, jiilkan aynu ka hadlayanaa waxay ka aaminsanyihiin booliska inay yihiin kuwa ugu arxanka darran bulshada dhexdooda oo cid kastoo aad uga dacawooto si ay kugu soo qabtaan ama ay kugu soo xidhaan aanay kuu xidhayn ilaa oo aad lacag siiso iyagu si ay kugu soo xidhaan cida aad ka soo dacwootey. waxaa booliska laga aaminsanyahay inay ku tuntaan dadka danyarta ah soona dhaweeyaan dadka qaniga aha oo sharciga aanay ku dhaqin dadweynaha si isku mid ah, Sidoo kale waxaa laga aaminsayhay in booliska marka la shaqaalaysiinayo aan lagu xidhin wax Aqoon Maadi iyo diini toona ah iyaga oo qaar kood laga qorro ama ciidanka booliska lagag darro Saldhigyadda ay ku xidhanyihiin ka dib markay dhamaystaan xukunkooda, inkastoo Taliyaha cusub ee Booliska Somaliland uu yadadiilo cusub ku abuuray dadweynaha soona nooleeyay xidhiidhkii dadweynaha iyo Booliska, isagoo qaaday talaabooyin ku daysho mudan ugu danbayantii Taliyuhu maadama uu yahay nin weyn oo wayeel ah wuxuu ciidankiisa badanaa kula taliyaa inay ALLE ka cabsiga badiyaan oo Diinta bartaan si ay noloshooda Aduun iyo tooda Aakhira ubadbadaan.

Maxkamadaha Iyo Garsoorayaasha

Maxkamaduhu waa meesha la geeyo isla markaana xukunta qofkasatoo ku kaca waxkastoo ka dhan ah ah sharciga dalka uyaala. Garsoorayaashuna waa kuwa gaadha go’aanada ay maxakamaduhu soo saaraan,
Jiilka aynu ka hadlaynaa waxay ka aaminsanyihiin maxakamaduhu yihiin dad ka ganacsada cadaalada madaama ay yihiin kuwa gaadha go’aanada ugu danbeeye kiisaska iyo inay ku tuntaan qofkastoo jeebkiisu liito taas oo ay dadka danyarta ah ee hawlaha maxakamaduhu ka gaalaan iyagoo is haysta ama iska soo horjeeda dad qani ah ama dhaqaalo ahaan ka sareeya in 90% boqolkiiba sagaashan ay aminsanyihiin inaanay cadaalad helayn.

W/Q  Cabdiraxiim cabdilaahi Shiine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here