Maxamed Haaruun: Ka Guulaystihii Cabadaha Nolosha Indho La’aanta‏

0
361

Wuxuu indho beelay isaga oo ku guda jira dadaal uu dadkiisa kaga badbaadinayay khatar iyo aafo noloshooda halis ku ahayd. 24 sano ayaa ka soo wareegtay xilligaa uu ilaahay sababta uga dhigay inuu indhihiisa kuwaayo hawl-galkaa. Waa Maxamed Haaruun Biixi. Waa nin sida aad ka bogateen aragga naafo ka ah, hasayeeshee aan isu dhiibin nolosha indho la’aanta. Waxa aanu Maxamed waqti u siinnay inuu dib u xusuusto 24 sano ka hor, isaga oo naga yeelay inuu na dulgeeyo meeshii uu ku indho beelay, isla markaana waxa aanu fursad u siinnay isagoo fadhiya meeshii araggiisa ugu danbaysay inuu si dareen leh u xuusto waqtigaa iyo sidii ay wax u dhaceen.

Xog-waraysigan soo socda oo dhinacyo kala duwan taabanaya ayuu Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) uu Maxamed Haaruun Biixi kaga qaaday goobtii uu ku indho beelay.

Waxaana ka mid ah weydiimaha aad xog-waraysiga kaga bogan doontaan:

-Maxaad qabanaysay waqtigaa aad indho beeshay?

-Markii ugu horraysay ee aad aragga wayday maxaad samaysay?

-Waxbarashadii kuugu horraysay indho la’aanta ka dib goorma ayaad bilowday?

-Aragt la’aantu saamayn intee leeg ayay kugu leedahay?

-Adiga oo indho la’a sidee ayaad wax u qabsataa?

-Waa kan aragii kaa maqan ee maxaad niyad ahaan dareentaa?

-Muddo intee le’eg ayaad adiga oo indho la’a aad wax baranaysay?

-Goorma ayaad jaamacadda gashay? Maxaad se ka baratay?

-Shaahada Masters degree-ga goorma ayaad qaadatay? Goormaad se bilowday?

-Adiga oo aan wax ba arkayn sidee baad wax u qortaa oo aad Computer u adeegsataa?

-Marar kala duwan waxa aan arkaa idiga oo siyaasadda Somaliland falanqaynaya sii ba ta arrimaha dibadda maxaa kugu diray?

Weydiimahaa iyo kuwo kale kaga bogta xog-waraysiga oo ku soo dhawaada.