Maxay ka wada hadleen Weftigii Madaxweynaha JSL Hoggaaminayay iyo Dowladda Itoobiya?

0
602

Maxay ka wada hadleen Weftigii Madaxweynaha JSL Hoggaaminayay iyo Dowladda Itoobiya?

Adis-ababa(WSN)Madaxweynaha JSl Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo ka kooban xubno Gollaha wasiirada ka tirsan oo kale ah wasiirka arrimaha dibadda, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, madaxtooyada warfaafinta qorsheynta, arrimaha guddaha, xoghayaha gaarka iyo marwada 1aad ee JSl ayaa ka dhoofay dalka Jimcihii ina dhaafay waxaana kullan muhiima la qaateen oo muddo saacado ah socdeyay la qaateen rasal wasaaraha dalka Itoobiya, iyadoo kullankaasi dheer lagu lafo gurey xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa loona horumarin lahaa. Waxaana diirada lagu saaray sidii dowladda Itoobiya uga faa’iideysan lahayd isticmaalka dekadda Berbera oo dhawaan balaadhin lagu samayn doono. Labada dhinaca waxay si aada ugu gorfeeyeen kullamadooda in dhismaha jidka marin ganacsiyeedka isku xidhi doona dekada berbera iyo dalka itoobiya ee Berbera Corridor iyo dhismaha tareen isku xidha labada dal, waxaan intaa dheeraa waliba sidii Somaliland uga faa’iideysan lahayd korontada Itoobiya.

Weftiga madaxweynaha waxa ku biirey iyaguna taliyaha Ciidamada qaranka Somaliland iyo saraakiil kale waxaanay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca nabadgalyada ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa kooxaha nabadgalyo darada ka wada gobolkan aynu ku noolnahay.

Kullanka oo si qotto dheer loogaga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii Itoobiya uga faa’iideysan lahayd balaadhinta iyo casriyeynta dekeda berbera ay ku samaynayso shirkada DP World ee dhawaan heshiiska la gashay Somaliland oo saraakiil sare oo ka tirsan iyaguna Weftiga Madaxweynaha ay halkaasi kula kulmeen oo uga waramay dowladda Itoobiyana faa’iidooyinka faraha badan ee ugu jira Itoobiya maalgashiga shirkadaasi ku samaynayso dekedda Berbera.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse biixi cabdi ayaa isaguna dhinaciisa maalintii shalay kullan dheer la qaatay gudoomiiyaha xisbiga EPRDF ee dalkaasi ka taliya. Waxayna ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada xisbi ka dhexeeya iyo sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen kor u qaadida xidhiidh labada dal, ugana caawin lahaayeen xisbiga Kulmiye dhinacyada tababarada.
Kullaamadan oo guul ku soo dhamaaday waxay noqon doonaan kuwo taariikhi ah oo wax weyn ka tara xidhiidhka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Silaanyo waxa uu shahaado sharaf ka turjumaysa arrimaha dhinaca nabadgelyada iyo xidhiidhka, walaaltinimo derisnimo, iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dawladeed awgeed uu gudoonsiiyey Raisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Hailemariam Desalegn, oo madaxweynaha qaranka Somaliland ku qaabiley soo dhawayn heer caalami ah, isagoo ku soo boqday hotelkii uu ka deganaa dalka itoobiya madaxweynaha Somaliland.