telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Maxkamada Racfaanka Gobolka M/Jeex Oo Maanta Go’aan Ka Soo Saaraysa Xayiraad Xukuumadu Saartay Hadhwanaagnews

 

Garsoorka Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Waxa Uu Hor Istaagay Waaran Qabasho Ah Oo Loo Jaray Maamulka Hadhwanaagnews

Hargeysa(Warsugan)- Maxkamada racfaanka ee gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta go’aan ka soo saaray racfaan ay maamulka Hadhwanaagnews ka qaateen xayiraad ay saartay maxkamada gobolka Maroodijeex.
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Maroodijeex Cali Suudi ayaa hore u mudeeyey inuu maanta oo khamiis ah go’aan ka soo saaro xayiraada ay xukuumadu saartay shabakada Hadhwanaagnews oo haatan saarnayd mudo bil ku dhaw.
Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay xayiraada saaran Hadhwanagnews waxaanu yidhi “Sida aad la socotaan Hadhwanaagnews oo ka mid ah mareegaha ugu caansan somaliland inay in mudo ah xidhnayd  taas oo xukuumadu ay ka soo gudbisay dacwad ay soo gaadhsiisay maxkamada, waxaanan garsoorka ku hambalyeynayaa inay hor istaageen in la soo xidho weriyayaasha Hadhwanaagnews, hase yeeshee waxaanu dareemaynaa in xayiraadaha lagu samaynayo mareeguhu ay u baahan yihiin wada tashi”
Gudoomiye Xuuto oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Mareegt Hadhwanaagnews tahay mid maamulkeeda iyo xafiiskeedaba la garanayo balse aan lagu deg degin xadhigeeda waxaanu yidhi “Hadhwanaagnews oo kale waa hay’ad weyn oo warbaahineed, haddii mareegaha qaarkood loo xidhayo oo ay ugu deg degayso xukuumadu  inaan la garanayn cida iska leh iyo cid maamushaba oo aanu xukuumada uga garaabayno hadana Hadhwanaagnews oo kale waxay ahayd inay xukuumadu ku soo war geliso ururka Solja sidii aanu horeba wada shaqaynta uga lahayn talaabooyinka ay qaadayaan.”
Gudoomiyaha Solja  waxa uu sharci daro ku tilmaamay habka loo maray xayiraada Hadhwanaagnews waxaanu yidhi “ilaa hada way taagan tahay dacwada Hadhwanaagnews maxkamada racfaanka ayaanan u gudbinay cabasho ka dhan ah xadhiga ay maxkamada gobolku ku xayirtay, anaga oo u aragnay in talaabadii lagu xayiray aanay ahayn mid nidaamkii sharciga ahaa maray, gudoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka Maroodijeex Cali Suudi waxa uu noo balan qaaday inuu khamiista naga siiyo jawaab qoraal ah, maadaama oo eedaas ama cabashada xukuumada aanu u aragno in haddii dibada lagu dhamayn karo lagu dhameeyo haddii kalana sharciga lagu dhameeyo oo aanu raacno, waxaanan ku kalsoonahay in wax kasta oo xukuumadu ka cabanayso la soo mariyo ururka maadaama oo ururku u taagan yahay difaacida weriyayaasha iyo hay’addaha warbaahinta”
Ugu dambayn Gudoomiye Xuuto ayaa soo bandhigay go’aanka ay ka filanayaan maxkamada racfaanka ah waxaanu yidhi “Waxaanu ku rajo weynahay hadii maxkamada racfaanku soo saarto qaraar difaacaya Hadhwanaagnews inaan wakhtiga nalagu dheerayn oo aan dacwad kale oo dheeraata la sii guda galin balse la aqbalo oo dawladu garawsato inay mareegta Hadhwanaagnews dib u furto oo ay shirkadihii isgaadhsiinta ee xayiraada la faray laga qaado, wixii cabasho ah ee laga qabo Hadhwanaagnews waxaanu ka bixinaynaa garawshiyo haddii ay dhinaca sharciga tahayna waanu difaacaynaa”.

181 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins