Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICJ Oo Hoggaan Cusub Loo Doortay

0
302

Joan E. Donoghue oo ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa  loo doortay madaxweynaha cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka (ICJ) waxay bedelaysaa Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah.

Kirill Gevorgian oo u dhashay Ruushka ayaa isna loo doortay madaxweyne ku-xigeen, madaxdan cusub ayaa xilla hayn doona min saddex sanno.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ayaa bisha soo socota ee March ee sannadkaan 2021 waxa ay qaadaysaa dawcadda dowladda Soomaaliya ka gudbisay sheegashada Kenya ee biyo badeedka Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ ayaa dhowr mar dib u dhigtay dacwada muranka badda ee dowladdaha Soomaaliya  iyo Kenya, kadib markii Kenya dalbatay dib u dhista, balse waxaa la filaya in bisha March la dhageysto dacwada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here