Maxkamadda Sare Maraykanka Oo Soo Saartay Go’aano La Xidhiidha Soo Galootiga

0
252

Maxkamadda Sare Maraykanka ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaadhka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci-darro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in go’aan ay gaadhay Maxkamada dalka Mareykanka ay dhabar jab ku tahay dad badan oo Soomaali ah iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah.

Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xidhiidhaan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xidhiidha g’aanka Maxkamada.

Waddanka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka kuwo kale ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here