Midowga Afrika Oo Soo Dhaweeyay In Soomaaliya Ay Ku Soo Laabato Geedi Socodka Doorashooyinka

0
289

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee dib loogu soo celiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 oo saldhig u ahaa doorashooyinka soo socda, kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku ammaanay  Madaxweyne Farmaajo inuu horumariyey danaha dadka Soomaaliya.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo soo dhaweeyay doorka hogaamineed ee loo igmaday Raysal Wasaaraha si loogu diyaar garoobo doorashooyin nabdoon, lagu kalsoonaan karo oo hufan laguna xaqiijiyo amnigooda.

Moussa Faki ayaa markale ku celiyey baaqiisa ah in si deg deg ah loogu laabto wada hadalka iyo gorgortanka. Wuxuuna sheegay midowga Afrika in ay ka go’an tahay taageerada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee geeddi-socodkan.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa 20- ka bishaan Muqdisho dhigay gogol ay ku wada hadlayaan  dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada,  si looga dooddo dhammeystirka heshiiska doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here