Miyaa Laga Shakisan Yahay Daacadnimada Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi?

0
304

Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiin Kulmiye ah ayaa soo bandhigay dareenno shaki gelinaya daacadnimada Kulmiye ee wasiirrada iyo siyaasiyiinta xisbiga ku abtirsada.

Cabdikariin Xinif oo madaxda Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka mid ah ayaa dhawr goor sheegay in Kulmiye dhexdiisa lagu arkay dad u adeegaya Xisbiyada kale.

Mujaahid Cali Guray oo falanqaynayay tirada xildhibaannada Saddexda Xisbi kale heli doonaan ee Wakiillada ayaa sheegay in Kulmiye lagu jabin doono shirguddoonka iyo tirada xildhibaannada wuxuuna eedda dusha u saaray siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta Kulmiye.

Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah madaxda wasaaradda waxbarashada ayaa isna tixraacay hadalka Cali Guray oo sheegay in uu ku raacsan yahay 100% islamarkaana ka shaki qabo inta badan madaxda xukuumadda.

“Mudane Madaxwayne Wali Gollahaaga Wasiiradda Dhiigga Ma Ka Qaaday?

Immisaa Aammisan Siyaasaddaada IyoTa Xisbiga Kulmiye? Wallaahi Waan Dhaartaye Innaanay Gaadhayn Afar Wasiir,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Wasiir hore Cabdillaahi Cukuse ayaa isna shalay sheegay in uu galka seefta kala bixi doono oo xilligan la gaadhay wakhtigii uu muxaafadnimada ka bixi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here