Mkhitaryan “Kuma dooran Manchester United Mushaarka oo keliya”

0
384

Inkastoo 27 jirka Reer Armenia ee u ciyaara Manchester United Henrikh Mkhitaryan aan la siinin furso uu isku muujiyo isla markaana uu qaato Mushaarkiisa oo qura ayaa xidiggani waxa uu furtay afka isagoo sheegay inuusan u qalmin in uu fadhiyo kursiga keydka Old Trafford.

Kubbad qaabeeyahan oo saddex xilli ciyaareed oo heer sare ah la soo qaatay Borussia Dortmund ayaa waxaa qabtay indhaha caalamka taas oo keentay in Man United ay ku guuleysatay la soo wareegiddiisa.

Mkhitaryan waxa uu sheegay in uusan dhinaca mushaarka ku dooran Manchester United, balse uu arrimo kale ku xushay.

“Dhab ahaantii ma ahayn mushaarka sababtii aan ku doortay inaan Old Trafford ku biiro,waxaan ku xushay maadaama kooxdu leedahay taariikh weyn iyo taageerayaal wanaagsan isla markaana ka mid tahay kooxaha ugu waaweyn caalamka” ayuu Mkhitaryan ku sheegay wareysi uu siiyay Xiriirka FA-ga Armenia.

“Waxaan u arkayay u wareegidayda Manchester United in ay tahay fursad aan ku hormari karo ciyaartooy iyo shaqsi ahaan” ayuu yiri Laacibku.