Mo Farah Oo Hadda Kadib Loogu Yeeri Doono Sir Mo, Boqorada Ingiriiska Oo Sharaftay: DAAWO

0
326

Orodyahanka caanka ah ee asalkiiskiisa kasoo jeeda Somalia, laakiin haysta dhalashada UK Mo Faarax ayaa sanadkaan cusub ee caawa curan doona lagu daray liiska dadka ay Boqorada Ingiriiska ku sharaftay in la siiyo abaal marinta sanadka, wixii hadda ka danbeeyana loogu yeeri doono Sir Mo.

33 jirkaan ayaa ku guuleystay afar bilad oo dahab ah { 5,000m and 10,000m)  ciyaarihii Olombikada adduunka ee Londan 2012 iyo Rio 2016-ka, kuwaas oo sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay

“Dibu milicsiga wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimid, kaas oo aan erey ka aqoon Ingiriiska, ma saadaalin karin lahayd inaan maanta meeshaan joogaayo. Waa riyo ii rumowday,” ayuu yiri Mo Farah.

Waxaa liiska dadka la sharfay iyagana ku jira ciyaaryahanada kala ah, Andy Murray oo teeniska ku caan baxay,  Lee Pearson oo olombikada ah, Jessica Ennis-Hill iyo Katherine Grainger.

https://youtu.be/c2jL9wOOfPI?t=1