“MSF Cisbitaalka Qorshihii Ay Ku Waday Muu Ahayn Mid Ay Ku Talo Gashay Inuu Ka Danbeeyo Marka Ay Baxdo” Wasiir Xagla Toosiye

0
336

“MSF Cisbitaalka Qorshihii Ay Ku Waday Muu Ahayn Mid Ay Ku Talo Gashay Inuu Ka Danbeeyo Marka Ay Baxdo” Wasiir Xagla Toosiye

Burco (Warsugan) Wasiirka caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Xagla-toosiya oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer gaar ahaana magaaladda Burco ayaa ka war bixiyey hawlo shaqo oo la xidhiidha balaadhinta cisbitaalka Burco.
Saxafiiyinta oo uu kula hadlayey magaaladda Burco ayaa ugu horayn waydiiyey shaqooyinka uu gobolka u joogo “Safarkayga aan halkan ku imi waa safar shaqo waa kormeer. Ujeedadiisu waxa ay tahay inaan dardar gelino adeegyada caafimaad ee cisbitaalka. Cisbitaalka Burco waa cisbitaal wayn oo meelo badan looga yimaado waana muhiimada koowaad in adeegyadiisa caafimaad kor loo qaado iyo in dhismihiisa la kordhiyo oo la balaadhiyo”

Wasiirka caafimadka oo uu Weriye Keyse Axmed Digaale waydiiyey tan iyo markii hay’addi MSF laga saaray dalka in adeegyada caafimaadku hoos u sii dhacayaan iyo shaqaalaha oo mushahar la’aan sheeganaya ayaa wasiirka caafimaadka ee Somaliland kaga jawaabay “Run ahaantii MSF cisbitaalka iyadda ayaa faraha ku haysay mudo dhaqaale badana galin jirtay shaqaale badan oo iyadu ay qoratayna cisbitaalka way joogeen oo ilaa laba boqol ku dhaw iyadda oo aan wax ogaysiis ah bixin way ka baxday nasiib daro wax u qorshaysnaa wasaaradda haday MSF baxdo sidee lagu badbaadinayaa cisbitaalka may jirin nasiir daro ayey ahayd, MSF cisbitaalka qorshihii ay ku waday muu ahayn mid ay ku talo gashay inuu ka danbeeyo marka ay baxdo. Arrintaasi markay dhacday anagu xukuumad ahaan waanu dadaalnay in cisbitaalka la badbaadiyo lacag badana waanu ku bixinay wakhtiyo kala gadisan ilaahay mahadii u kaban yahay maanta shaqaduna way ka socotaa 21 dhakhtar ayaa jooga oo reer Somaliland iyo ajibiba ah waxana noo qorshaysan inaanu kordhino hada adeegyada caafimaad”

Wasiir Xagla Toosiya ayaa intaas ku daray inay waxyaabo badan ka faa’iideen bixitaankii MSF ee cisbitaalka Burco, iyaga tabaabushe ka yeeshay haddiiba ay dhacdo in Hay’add gacanta ku hayso hawl qaran ku leeyahay in la sameeyo qorsho kale oo ku xiga si looga badbaado gaabka ku yimaada shaqadda socota.

Xigasho Wargeyska Warsugan