Mucaaradka Jabuuti oo ku eedeeyay dowladda inay kula kaceyso caburin

0
327

Mucaaradka dalka Jabuuti waxay ku eedeeyeen xukuumadda Jabuuti in ay cuburinayso xubnaha ka tirsan xisbiyada mucaaradka xilli ay bisha April lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

Duqii hore ee caasimadda Jabuuti imikana ah madaxa xisbiga mucaaradka ee Raad, Cabdiraxmaan Maxamed Geele oo BBC la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan xisbigiisa ay maalmihii u dambeeyay ku xirnaayeen magaalada Jabuuti islamarkana aan wax maxkamad ah lagu soo oogin.

“Siyasiyiinta mucaaradka iyo dadkan uu si nabad ah u halgamaya kana soo horjeeda in markii shanaad uu Ismaaciil Cumar Geele talada kusoo noqdo, kuwii isaga taageersanaa waa loo ogolyahay dadka kasoo horjeedana waa la xir xiraya”

Wuxuu dhanka kale sheegay in dalka ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here