Muhimadda Iskaashiga Bulshada ee Toosinta iyo Sixitaanka Himilada Qaranka. W/Q:- Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad

0
520

Muhimadda Iskaashiga Bulshada ee Toosinta iyo Sixitaanka Himilada Qaranka. W/Q:- Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad

Somaliland waa dal Muslima oo dimuqraadi ah. Taas macnaheedu waxay tahay inta Illaahay kasokaysa dadwaynaha ayaa iska leh awooda kamadanbaysta ah ee siyaasadeed. Nidaamkaa dimuqraadiga ahina waxa uu difaac ka yahay in uu si sahlan ku samaysmo nidaamka kaligii talisku. Dimuqraadiyada ayaa markaa iyana u baahan in siday tahay loo fahmo oo laga ilaaliyo xagal daaca. Qoraalkeenan waxaynu waxooga ka tilmaamaynaa sida nidaamkaasi dimuqraadiga ah hareeraha loo qaban lahaa oo shicib iyo dawladba inta lays kaashado dhurwaaga looga ilaalin lahaa. Ugu horrayntii waxaa loo baahan yahay in himilada la saxo. Himiladu waa mid shaqsiga u gaar ah (personal vision) iyo mid bulshadu ay wada leedahay (community vision). Shaqsigii baa marna noqonaya qof caadi ah oo bulshada ka tirsan, marna noqonaaya masuulka ay bulshadu xil u dhiibatay. Bulshadaa iyana bulshooyin usii kala baxaysa. Cid walba waxaa looga baahan yahay inay dib-isugu noqoto oo ay himiladeeda qiimayn ku samayso.

Shaqsigu hadduu doonayo inuu masuul umadda hogaamiya uu unoqdo maxaa la gudboon inuu naftiisa ka bedelo, maxaana la gudboon inuu bulshada uu ka tirsan yahay ku soo kordhiyo? Bulshadii meel wada degan iyana maxaa la gudboon? Maxay doonaysaa inay xaaladeeda iminka taagan ay ka bedesho, maxaanay doonaysaa mustaqbalka inay gaadho oo ay noqoto? Mid aynu wada ogaano, midaas oo ah in isbedelku sidiisaba aanu ka imanin dibeda ee uu ka yimaado bulshada dhexdeeda. Illaahay (SWT) ayaa quraanka inoogu sheegay.

Waxaa laga yaabaa in in badan oo inaga mid ahi ay mar iyo in kabadanba aynu ka qaybgalnay siminaaro ama shirar lagaga hadlayo muhimada ay leedahay in la qeexo himilada bulshada.
Laakiin shirarkaasi ama tababradaasi ay inta badan hayado ajanabi ahi ay daadihinayaan ayaad moodaa in waxay ina farayaan aan lagala bixin hudheelka ay shirka ku qabtaan. Oo marka uu shirkaasi dhamaado kadib qof waliba uu dib ugu laabto nolol maalmeedkiisii hore. Aadamuhu had iyo jeer wuxuu ka walwalsan yahay mustaqbalka. Waxaan marwalba ka walwalsanahay waxaa berri dhici doona. Waxaan jeclaan lahayn inaan ogaano waxa dhici doona mustaqbalka. Sababtoo ah haddaad ogaan lahayd waxa dhacaya mustaqbalka. Markaas ayaan u diyaar garoobi lahayn laga bilaabo maanta dabiici ahaan. Waxaad mooda inay diinti qarka saarantahay. Waxaan taas uleeyahay been tii baa badatay. Wax kasta illaahay wuxuu noogu shegay Quraanka. Kitaabkaas (Quraanka) shaki kuma jiro Hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada. Bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo aan ku dadaalin sidii loo qeexi lahaa hadafyada guud iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa. Soomaalidu waxay iska jecel yihiin inay isku filnaadaan in uu naftiisa wax-u-noqo oo aanu qoyskiisa mooyee aanu cid kale dan ka lahayn. Dhaqankaasna waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay (individualism) ama kalinimada.

Waa inaad Naftaada Jeceshahay intaadan Qof kale Jeclaan. Inaad dadka kale u jeclaato sidaad naftaada u jeceshahay. Xigasho “Naftaada Jeclow” Haa, is-jacaylku malaha waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad noloshaada ku samayn karto. Markaa ku bilow taas marka hore, ka dibna ballaariso jaceylka aad dadka kale u qabto. Waxaan rajaynayaa inaad heli doontid waxyi, saaxiib. Waxaan u baahanahay inaan saxno bulshadeena halaga bilaabo inaan isku raacno oo aan si cad u qeexno hadafka, in laysla meel dhigo oo si fiican loo qeexo himilada oo markaasi noqonaysa in lays waydiiyo xaalad caynkee ah ayaa maanta bulshadeenu ku sugan tahay? Maxaan rabnaa inaan ka badalno xaaladeena? Maxaana aynu doonaynaa in aynu xaalkeena ka bedelno? .

Maxaynu higsanaynaa oo halkee ayaynu doonaynaa inaynu gaadhno 30 sano ka kadib xagee joognaa. Bulshadu markay sidaasi himiladeeda u hagaajisato, ayaa waxaa imanaysa inay isqiimayso oo ay markaasi iska soo dhex saarto masuuliinta gaadhsiinaysa meeshaa ay higsanayso. Bulshadu waxay ogaanaysaa inay iyadu gacanta isoogu hayso badhaadhaheeda. Cagsiguna waa sax oo bulshadu hadday hogaankeeda u dhiibato cid iska-gee-uun ah markaasi bulshadaasi iyadaa isdabartay oo jabkeeda gacanteeda ku samaystay. Hogaanka siyaasiga ah ee wadanka isaga waxaa laga rabaa inuu himilada intaasi ka fogeeyo oo uu ka fikiro halkii uu wadankiisu gaadhi lahaa 50 sanno kadib. Marka sidaasi loo fikiro waxa imanaysa inaanad naftaada iyo inta manta kugu xeeran oo kaliya aanad ka fikirin ee aad ka fikirto jiilasha wadankaaga ee mustaqbalka ubadkeena maxaad meel u dhigtay, sees caynkee ah ayaad u dhigtay? Taariikhdu iyadaa isqorta ee maxaad ugu talo gashay inay kaa qorto?

Wadaniyada waa in la baro ciyaalkeena iyo daka imika jooga si lo aaso qabyaalada. Waxaa muhiim ah in qabiilooyinka oo dhan wada shaqeeyaan. Waa inaan sameynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u badbaadino mustaqbalka Somaliland waxaan rajaynayaa in maalin maalmaha ka mid ah carruurteennu si nabad ah ugu noolaan doonaan Somaliland iyo nolol tan innaga ka wanaagsan mustaqbalka. Jiilasha mustaqbalku hadday wanaag kugu xasuustaan waxloo dhigo miyaa jira? Waari Mayside War Hakaa Hadho! Waxa shaki la’aana in bulsho kasta oo casri ah oo manta adduunka dushiisa ku nooli hadday himiladeeda si fiican u qeexdo inay ku darsanayso qorshaheeda samaynta goobo caafimaad, goobo waxbarsho, wadooyin, iyo sidii loo abuuri lahaa ilo dhaqaale oo ay warshadayntu kow ka tahay, iyo waxyaabo kaloo badan oo bulshada casriga u baahan tahay. Markaynu Somali ka hadlayno waxaynu ka hadlaynaa mujtamac qabali ah oo markaasi bulshooyinkiisu ay ka kooban yihiin qabiilo. Qabiil kastaa waa bulsho isku xidhan. Bulsho sideedaba waxaa lagu qeexaa inay tahay dad ay ka dhaxayso dani, dadkaasi meel hawada joogaan ama yaanay wada joogine.

Markaasi tusaale ahaan beel reer Somaliland ah oo inteeda badina Hargeysa degto, xubnaha beeshaasi hayb ahaan uga midka ahi ee magaalooyin kale degan isku bulsho ayay ahaanayaan.
Dhinaca kale markaad ka eegto waxa isku bulsho noqonaya dad aan isku hayb ahayn laakiin magaalo ama tuulo wada dega. Markaa waxa lagama maarmaan ah in dadkaasi kala beesha ah laakiin uu degaanku ka dhexeeyaa inay waxwada qabsadaan oo ay samaystaan himilo ka dhaxaysa oo markaasi ay higsanayaan gaadhisteeda. Himiladuna sideedaba waa inaad samaysato hadaf fog oo gaadhistiisa aanad gaadhaynba inta aad nooshahay maadaama ay sheegayso halka la gaadhi doono 30ka sanno ama 50ka sanno ee socda, laakiin waa hadaf ay gaadhi doonaan ubadkaagu. Taariikhda waxku darso weeyaan. Mana jirto cid (shaqsi, beel, dawlad) doonaysa inay taariikhda waxaan wanaagsanayn ku darsato. Marka ay bulshadu doonayso inay dhisato kaabayaasha dhaqaalaha, sida iskuulada, rugaha caafimaad iyo wadooyin ama dekedo waxaa khasab ah inay bulshadaasi la shaqayso xukuumada talada haysa. Markaasi waxaa khasab ah inay la shaqayso beesha ama beelaha kale ee ay isku deegaanka yihiin.. Marka ay cid waliba saxdo himiladeeda ayaa la helayaa waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka bulshooyinka. Marka ay bulshooyinka waddanka ku wada nooli ay isa saxaan ayaa waxaa si ootimaatik ah u saxmaya waddanka ay ku nool yihiin. Waxa imanaysa in si wada jira loola coloobo oo laysooga qabto cidii hagar daamo ku keenaysa habsami u socodka nolosha bulshooyinka. Adduunka waxaa guulaysta wadamada ay degan yihiin bulshooyinka casriga ah ee goor hore qeexay himiladooda isla markaana hogaankooda u dhiibtay cid ay iska soo xuleen oo ay ogyihiin inay fahmayaan himilada ay dhigteen. Taas macnaheedu maaha inaynaan inana markeena horumarikarayn. Horumarkeena inagaa gacanta isugu hayna. Keliya waxaa laynaga rabaa inaan himiladeena saxno. Bulshooyinka Somaliyeed ee himiladooda qeexay oo gaadhista himiladaasi ka hawlgalay waxa ka mida bulshada waqooyiga Kiiniya degta. Bulshadaasina bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed waxay ka horaysaa masaafo aanay sahlanayn sida lagu gaadhaa.

Ingiriiska ku maahmaa “it is never too late” oo ka dhigan “cidkastaa markay isasaxdo ayay meeshay higsanayso gaadhaysaa”. Mid baa la hubaa oo marka ay bulshooyinka wadanka wada degaa ay mid waliba isasaxdo ayaa waxaa imanaysa in hogaanka dalka loo dhiibo cid ehel u ah.
Waxaa kaloo imanaya isfaham guud oo isna keenaya nabad waarta. Waxa kaloo imanaysa in doorashooyinka si nidaamsan loo qabsado maadaama cida hogaanka haysaa ay si fiican u fikirayso ooy doonayso in ay taariikhda wax wanaagsan ku darsato. Iskaashiga bulshooyinka iyo dawladuna wuxuu garantii u yahay in la gaadho horumar dhaqaale oo markaa faqriga lagaga baxo.

Allaa Mahad leh
W/Q: Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad
dubadguure@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here