telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Murrashax Muuse Biixi oo Taageerayaasha KULMIYE ee Gobolka Hawd Kala Qaybgalay Isu Soo Baxyada Maalinta Toddobaad ee Ololaha Xisbiga

Ball-gubadle(SomalilandReports)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle iyo degmada Gumburaha kala qaybgalay dhoolla-tus ballaadhan oo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga maalinta toddobaad ee ololaha xisbigaas.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayaan xubno wasiirro, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, xildhibaanno iyo waxgarad kale isugu jira, ayaa goor gabbal dhacii shalay ahayd gaadhay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, waxana halkaas ku qaabilay kumanaan katirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo ay hormood u yihiin wasiirrada, siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka iyo haldoorka gobolkaas kasoo jeeda ee sida gaarka ah u taageera KULMIYE, kuwaas oo ku lebisnaa astaamaha xisbiga, isla markaana ay ka go’an tahay inay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbbiga KULMIYE.
Taageerayaal safaf dhaadheer ku jira, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey murrashax Muuse Biixi iyo xubnaha ku wehelinayey weftigiisa, waxana munaasibad halkaas lagu qabtay hadallo kala duwan oo salka ku haya sidii ay taageerayaasha KULMIYE iyaga oo isku duuban codkooda ugu hubsan lahaayeen murrashaxiinta KULMIYE u jeediyey waxgaradka, salaadiinta, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Hawd, waxana sacab iyo sawaxan kusoo dhaweeyey shacabkii madasha ku sugna.
Suldaanka guud ee beelaha dega gobolka Hawd Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay dalka iyo gaar ahaan gobolka Hawd, waxana uu si farshaxannimo leh farta ugu fiiqay inuu murrashax Muuse Biixi yahay shakhsi bulshada abaal badan ku leh oo u qalma inuu hoggaanka qabto.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed, ayaa isagun shaaciyey in bulshada ku dhaqan gobolka Hawd ay taageero buuxda u hayso murrashaxiinta KULMIYE, Islamarkaana ay mahadinayaan horumarka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay gobolka Hawd.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Hawd, ayaa ku dheeraaday lexejeclada uu qabo bulshada gobolkaas kasoo jeedda iyo noloshiisii halganka oo uu inteedii ugu badnayd kusoo qaatay deegaanno badan oo gobolka hoos yimaadda, waxana uu sheegay inay Hawd ka mid tahay meelaha qalbigiisa ku qoran ee aan cidina kula dardaarmi Karin.
Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu isu soo baxyadooda kala qaybgalay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Gumburaha oo katirsan gobolka Hawd, waxana uu hadal u jeediyey taageerayaal tiro badan oo halkaas kusoo dhaweeyey, isaga oo uga mahadnaqay sida ay u muujiyeen cududda uu xisbigu ku leeyahay degmada Gumburaha oo xuddun ah halgankii dalka lagu xoreeyey.

145 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins