Murrashaxiinta U Tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Gobolka Sool Ee Saddexda Xisbi U Sii Calaamadsadeen Guddoomiyaha Golah Wakiillada

0
289

Murrashax Axmed Cabdii Abyan oo ah Murrashax u tartamaya Golaha Wakiilada ee Somaliland, ayaa ku biiray labada Murrashax ee kale ee Cabdirisaaq Khaliif iyo Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo iyagu murrashaxiin Waddani iyo KULMIYE ka tirsan oo u ordaya Doorashada Golaha Wakiillada, isla markaana doonaya in ay ku loollamaan in ay noqdaan haddii la doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Murrashax Abyan oo isaguna ku tirsan Xisbiga UCID, ayaa ku soo biiray loollankan labada nin ee kale, ee hore u shaaciyey hankooda.

Axmed Cabdi Abyan oo ay isku deegaan iyo labadan Murrashax ee Khaliif iyo Faratoon, ayaa waxa isaguna uu doonayaa inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Murrashaxiintan isku deegaanka hoose ah ee saddexda Xisbi ka sharaxan, ayaa u muuqda kuwo mid walba Xisbigiisu danaynayo inuu ka dhigo Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada, haddii ay soo baxaan.

Inkasta oo calamad su’aal weyni saaran tahay sida ay ku soo bixi karaan murrashaxiintan oo hal beel ka soo wada jeeda, isla markaana u muuqda kuwo Xisbiyadooda oo aan cod u haynin dabada ka riixayaan.

Dadka Siyaasadda karkariya, ayaa sheegaya in aanay loollankan raggan ka maqnayn in qaarkood ciyaarayaan Kaadhka Siyaasadda Somaliland caanka ku tahay ee la yidhaahdo ‘LA DAGUU POLITICS’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here