Musharaxiinta u tartamaya xilka gudoonka aqalka sare oo loogu baaqay inay is diiwaan geliyaan

0
330

Guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in Maanta ay bilaabaneyso diwaan gelinta Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka gudoomiyaha Aqalka Sare iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare  Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 17-1-2017 ay u fadhiisan doonaan diwaan gelinta Musharaxiinta, islamarkaana ay socon doonto diwaan gelinta  ilaa 19-ka Bishan oo ku beegan Khamiista.

Maalinta Sabtida ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 21-ka Bishan waxaa khudbado laga dhageysan doonaa Musharaxiinta u sharaxan Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

22-ka Bishan oo ku beegan maalin Axad ah ayaa waxaa dhici doonta Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida ay sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.