Musharraxnimada Faysal Cali Waraabe Oo Khilaaf Hor Leh Ka Dhex Abuurtay Garabyada Xisbiga UCID

0
716

Musharraxnimada Faysal Cali Waraabe Oo Khilaaf Hor Leh Ka Dhex Abuurtay Garabyada Xisbiga UCID

Hargeysa(Warsugan) Qabanqaabada shirweynaha aan caadiga ahayn ee Maxkamadda sare amartay in xisbiga Ucid yeesho iyo musharaxnimada guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa khilaaf kale ka dhex abuurtay labada garab ee xisbigaasi u qaybsamay. Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa ka soo horjeestay xubin guddida qabanqaabada ah ee Faysal soo jeediyay inay bedelaan. Waxa kale oo ay tallaabo fawdo ku ah masiirkooda ku tilmaameen musharraxnimada madaxweyne ee Faysal dhawaan shaaciyay.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa qoraal uu kaga jawaabay amarka Faysal Cali Waraabe ku dalbaday in xubnaha qabanqaabada garabka Jamaal laga saaro Xuseen Bad-maax waxa uu ku sheegay inaan laga saari doonin “Adigu waxaad xaq u leedahay, kana talin kartaa kaliya xubnaha dhinacaaga sida ku cad qodobka 6-aad ee xukunka Maxkamadda sare,” ayuu yidhi Cali Guray oo u jawaabaya Eng Faysal.

Geesta kalena Maxamed Haaruun oo garabka Jamaal ka tirsan ayaa sheegay in ciyaammadda shirka ee Faysal tahay inuu ka hor dhacay shaqaddii guddida qabanqaabadu qaban lahayd “Guddoomiyuhu wuxuu ka hor dhacay guddidaasi waxay qaban lahay. Wuxuu sheegay inuu go’aammiyay shirweynihii maxkamadda sare amartay goorta uu dhici lahaa, arrintaasna waxaanu u aragnaa carqalad la galinayo shirweynihii maxkamaddu amartay oo ahayd in lagu meel mariyo go’aammadii hore loogu heshiiyay,” ayuu yidhi Maxamed Haaruun.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay sharci jabin tahay musharraxnimada Eng Faysal “Waxaa dhacday oo saxaafadda laga wada arkayay guddoomiyaha oo dhawr caaqil shiriyay oo ku dhawaaqay inuu musharax u yahay Ucid, arrintaasna waxaanu u aragnaa oo qabnaa inay carqaladayn caddaan ah iyo jabin ku tahay go’aankii maxkamadda iyo heshiisyaddii hore golaha dhexe u ansixiyay,” ayuu yidhi maxamed Haaruun

Dhinaca kale Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga Ucid, maaddaama Maxkamadda sare iyo heshiiskoodii hore u ogolaanayaan ka mid noqoshada hoggaanka xisbiga “ Waxaan maanta laga bilaabo u magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga Ucid Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye. Waa mid go’aanka maxkamaddu awood noo siiyay, waa mid aanu heshiiska hore ku galnay oo aan hore ugu magacaabay Axmed Kayse oo markii dambe iska casilay,” ayuu yidhi Jamaal.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office