muuqaal Israa’iil oo dad ka rartay dhul aysan fasax u haysanin

0
491

Isku dhac ayaa dhex maray dad mudaaharaadaya oo Israa’iiliyiin ah iyo booliis doonaya in ay raraan dadka degan goobaha aysan ruqsadda u haysanin ee ka tirsan dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.
Maxkamadda sare ee Israa’iil ayaa amartay in la burburiyo deegaanka Amona maadaama oo laga dhisay dhul ay si gaar ah u leeyihiin dad Falastiiniyiin ah.
Boqolaal Israa’iiliyiin ah ayaa booliiska dhagaxaan ku tuuray waxayna iska caabiyeen askarta oo doonaysa in ay dhaqan geliyaan. waxaa lagu soo waramayaa in labada dhinacba uu dhaawacyo soo gaaray.
Dadka in laga raro goobtaas ayaa billaabatay Arbacadii ilaa habeenimadii ayayna sii socotay.
Saacado uun ka hor dawladda Israa’iil ayaa meelmarisay qorshe lagu dhisayo 3,000 oo guri oo deegaan ah oo laga hirgelinayo Daanta Galbeed.
Waa qorshihii saddexaad ee noocaas ah ee lagu dhawaaqo tan iyo markii la caleemo saaray 12 maalmood ka hor madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo bidhaamiyay in uu deegaamaynta Israa’iil u hayo taageero ka badan middii madaxweynihii isaga ka horeeyay.
Hanan Ashrawi oo ka tirsan masuuliyiinta Falastiin ayaa cambaaraysay meelmarinta deegamaynta cusub waxayna sheegtay in ay burburinayso fursadihii nabadda.
In kabadan 600,000 oo yuhuud ah ayaa ku nool 140 deegaan oo la dhisay tan iyo markii ay Israa’iil qabsatay Daanta Galbeed iyo bariga magaalda Qudus sanadkii 1967dii.
Waxaa kale oo jira 95 deegaan oo yuhuudu ka dhisatay Daanta Galbeed iyagoon fasax ka haysanin dawladda Israa’iil.