Maamulka Buuhoodle Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleed ku Dhexmaray Socda Deegaankaasi.

0
317

Buhoodle Lughaya.com)Dagaal beeleed shalay ka qarxay deegaanka Higlo-dhacda oo ka tirsan degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoolde kagana began dhinaca galbeed, ayaa sababay dhimashada Laba qof oo ka soo kala jeeda labadan beelood ee dagaalamay.

Dagaalkan oo habeenimadii oo shsalay ka bilawday deegaankaasi, ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran dhinaca dhulka ah, gaar ahaan lahaashaha ceelal halkaasi ku yaal oo ay dadku ka cabayeen.

Guddoomiye kun xigeenka Gobolka Buuhoodle Jaamac Dheeg Cartan, ayaa ka waramay sidii ay wax u dheceen iyo xaaladda deegaanka lagu dagaalamay sida ay hadda tahay waxaanuu yidhi “Meel ka tirsan degmada widhwidh oo la yidhaahdo Higlo-ka dhacday oo meelaha yaryaree laasaska yaryar ee la dhurta ah, ayaa laba beelood oo walaalo ah colaadi dhex martay waxaana ku dhintay laba qof, hadana odayaashii ayaa kala gaadhay, waxa la isku qabtayna waa biyahaas iyo waxaas, waanau iska kaashanay odayaashii dhaqanka in arrinaasi la demiyo, meesha la isku dilayna waa meelaha marka uu roobku do’o balliyada ah ee la iska dhurto ee laasaska ah, biyahaas ayaa la isku qabay, waana lagu jiraa arrintaa oo hadda way degen tahay waana la wadaa in baadhitaan lagu sameeyo wixii sababay dhimashadu waa laba iyo qof kama u dhintay sadexadas iyo qof dhaawac”

Guddoomiye Jaamac Dheeg waxa uu beelaha dagaalamay ugu baaqay in ay collaadda joojiyaan oo ay nabada qaataan, isaga oo sheegay in aanay wakhtigani ahay wakhti la kala maarmi karo, waxaanuu “Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu ILAAHAY u naxariisto inta dhaawacanna ILAAHAY caafiyo, waa wakhti la isku baahan yahay oo aan la kaloa maarmi karayn waxaan leeyahay dhibta ha ladaayo ayaan baaq ugu dirayaa”

Dhinaca kale Keyse Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Khaatumo, ayaa dhacdadaas u xaqiijiyey warbaahinta Hiiraan Online, waxaanuu sheegay in ay halkaasi ka taagan tahay collaad ay labada dhinac isku hub urursanayaan oo dhinac walba is abaabul ku jiraan laguna dedaalayo in la dejiyo xaalada labadan reer ee walaalaha ah ee dagaalku dhex maray, waxaanuu yidhi “Xiliga haatan lagu jiro maaha xili dagaal iyo isqabsi, mana fiicna culayska abaareed ee jira in dadka jilicsan dagaal loogu daro” ayuu yidhi Keyse Cabdi Yuusuf

Dagaalkan u dhexeeya labada beelood ee walaalaha ah eek u dagaalamay deegaanka Higlo-dhacda, ayaa la sheegay in ay xaaladdu illaa shalaya gelinkii dambe degen tahay oo aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhex dhacay labadan beelood, bale xaaladda colaadeed ee ka taagan deegaanka ayaa laga dayrinayaa.

Collaaddan ka dhex aloosantay labadan beelood, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay xaalad abaareed oo baahsani ka jirto deegaamada ay collaadani ka taagan tahay, iyada oo ay beelahan dagaalku dhex maray isku hayaan sida la sheegay ceel biyoodkii ay ka cabayeen, taas oo ah goob ku taal dhulka oomanaha ah ee hawdka ayaa waxa ay leedahay biyo laasas ah taasoo aan xili abaareedkan sina looga maarmin ayey noqon doontaa mid culays xoogleh ku soo kordhisa dadka reer guuraaga ah oo la daalaa dhacaya abaartii ugu xumayd ee soo marta dhulkan