Muuqaalkii u horeeyay ee qaraxii goordhow ka dhacy Bar Village ee magaalada Muqdisho

0
308

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa sida la sheegay wuxuu ahaa Bartilmaameedkiisa Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde Maxamed Daahir Cabdulle oo gaarigiisa marayay xilliga qaraxa uu dhacaayay wadadaasi.

Warar kaladuw oo dheeraadka ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan qaraxii saakay ka dhacay Xarunta Bar Village ee Nawaaxiga guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu waday nin waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen iyo gaarigiisa uu bartimaameedsanayay Dhismaha Maqaayada The Village oo ku taala nawaaxiga Tiyaatartka gaar ahaan hoosta dhismaha Guriga Hooyooyinka.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in gaariga qarxay ay daba socdeen gaari ciidan oo eryanayay, waxaana gaariga uu qarxay kadib markii la sheegay in uu si xowli ah ku socday uuna ku rogmaday askariga jiifa ee laamiga loo sameeyay.

Inta la xaqiijiyay ninkii waday gaarigii qarxa laga soo buuxiyay oo kaliya ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay sadex qof oo kale oo la aheegay in ay ahaayeen dad shacab ah oo marayay wadadii uu qaraxu ka dhacay.