Muxuu Jurgen Klopp Ka Yidhi Hadalkii Sir Alex Ferguson Uu Ku Amaanay Saamaynta Macalinka Ree Germany Uu Ku Yeeshay Liverpool?

0
328

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa Jurgen Klopp ku amaanay shaqada wayn ee uu ka qabtay Liverpool, wuxuuna Sir Alex sheegay in Liverpool ay ka mid tahay kooxaha u sharaxan hanashada koobka Premier Leaque-ga oo ay waqti dheer ka maqnayd.

Sir Alex oo la hadlayay Kicker ayaa khamiistii sheegay: “Klopp waxa uu xaqiiqdii qabtay shaqo fiican wuxuuna soo noolooyey xamaasadii Liverpool. Waxaad arki kartaa sida uu Klopp kursiga kaydka ku yahay, waxaanan damaanad qaadayaa in shaqada tababarkana uu la mid yahay, waxa uu leeyahay shaqsiyad xoogan, xaqiiqdii taasi waxay muhiim u tahay koox wayn. Anigu Klopp ayaan ka walwalsanahay, sababtoo ah halka wax ee ayna Man United doonayn waa in Liverpool ay anaga naga sare marto”.Laakiin Klopp oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Crystal Palace ayaa ku kaftamay in uu joogo garoon halis ah oo aanu ku cadaysan karin jacaylkii uu u hayay Sir Alex Ferguson wuxuuna si kaftan ah su’aal u galiyay in loo ogol yahay in uu sheego sida uu Sir Alex u jecel yahay.

Jurgen Klopp oo ah nin shirkiisa jaraa’id aan lagu caajisin ayaa yidhi: “Aniga miyaa la ii ogol yahay in aan sheego in aan jecelahay Alex Ferguson? Waxaan isaga la kulmay ka hor intii aanan noqon tababaraha Liverpool. Waa wax fiican in uu isagu sheego waxyaabo fiican”.

Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: ” Alex waxa uu Mancehster United ka sameeyay wixii ay ahayd in uu ka sameeyo, taas oo aan si toos ah ugu fiicnayn Liverpool, Laakiin waa wax fiican in uu wax fiican ka sheegay Liverpool halkii uu wax xun ka sheegi lahaa, laakiin waxaan filayaa in aanu gurigiisa uga soo bixin inuu wax fiican ka sheego Liverpool, waxaa la waydiiyay su’aal”.