Muxuu Musharax C/Raxmaan Faroole U Tegi Waayay Magaalada Muqdisho?: XOG

0
299

Madaxweynihii hore ee maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa dib  dhigtay dhowr jeer inuu yimaado magaalada Muqdisho.

Faroole oo ka tirsan xildhibaanada Aqalka sare, isla markaana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb galo dhaarintii Xildhibaanada cusub iyo kulamada ka socda magaalada Muqdisho.

Xogta laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in C/raxmaan Faroole uu dib ugu dhigtay imaanshihiisa Muqdisho ilaa bartamaha bishan Janaayo, waxaana la sheegay inuu hore u waday qorshe magaalada Muqdisho looga wareejinayo doorashada madaxda sare ee Soomaaliya kaasoo fashilmay.

Faroole ayaa welwel ka muujiyay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo hor u dalbaday inay ammaankiisa sugaan ciidamada AMISOM, wuxuuna gadaal ka riixayay qorshe lagu doonayay in doorashada madaxda sare lagu qabto  Xerada Xalane.

Kadib markii ay Muqdisho soo gaareen dhammaan xildhibaanadii la doortay iyo musharixiinta madaxweynaha ayaa cadaadis culus ku keentay musharax Faroole oo hadda ay qasab ku noqotay inuu tago caasimadda Muqdisho inkastoo uu si weyn dib ugu dhigay socdaalkiisa.