Mweynaha iyo weftigii uu hor kacaayey ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’ada gargaarka caalamiga ah u qaabilsan dalka Kuwait.

0
370

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hor kacaayey ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’ada gargaarka caalamiga ah u qaabilsan dalka Kuwait.

Hargeysa(Warsugannews)hay’adan oo magaceeda la yidhaahdo Al-Raxma International Charity waxa qaybka ah, faraceeda ka hawlgala afrika oo lagu magacaabo Africa Relief Committee (ARC) oo ay iyana hoos timaado Xarunta waxbarashada agoomaha kuwait ee Hargeysa, xaruntaas oo ka tirsan qaybta bariga ee hay’adaasi maamusho.
Masuuliyiinta hay’adaas ee ay la kulmeen madaxweynaha iyo weftigiisu ayaa kala ah:
1. Yahye Al-Otaibi xoghayaha guud ee hay’ada
2. Sahal Al-shamari ku xigeenka xoghayaha guud ee hay’ada
3. Saad Al-Otaibi Madaxa hay’adda ee Africa
4. Cabdicasiis Al-kambari iyo Masuuliyiin kale.

waxaanay madaxweynaha iyo weftigiisu kala hadleen masuuliyiintaa adeegyada ay hay’adu ka wado somaliland iyo sida loo sii balaadhin lahaa, iyagoo dhinacoodana masuuliyiinta hay’ada ee kuwayt madaxweynaha iyo weftigiisa uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, isla markaana balan qaaday inay fidinayaan adeegyada ay ka fulinayaan Somaliland.