Nidaamka Axsaabta siyaasaddu saamayn ma ku leeyihiin Abaaraha jiitamaya?

0
422

Nidaamka Axsaabta siyaasaddu saamayn ma ku leeyihiin Abaaraha jiitamaya?

Marka hore waxaynu nahay bulsho 100% muslim ah kuna abtirsanaysay tan iyo intii uu ilaahay uumay.Nolosha bulshadeenu miyi iyo magaalaba waxay ku xidhantahay xoolaha noolo oo aynu siyaabo kala duwan u manaafacaadsano.

Mudooyiinkii ugu danbeeyey waxa isa soo tarayey abaaro isdaba socda oo aan wax badani u dhaxaynin iyadoo in ku dhow 7sano aynu la tacaalaynay marba heer ay gaadhsiisantahayba. Inta la ogyahay taariikhda aabraha gayiga somalida soo maray oo magacyo kala duwan loo bixiyey oo ku jirto tan hada aynu ku jirno oo aan wali magac rasmiya loo bixin ayaa waxay saamayn taban ku yeeshaan bulshada baladka iyo baadiyahaba waxaanay si toosa ugu yeeshaan dadka xoolo dhaqata oo ay ka galaafto dadka iyo duunyadaba. Abaartan hada taagan ayaa waxay kaga duwantahay kuwii hore wakhitiga ay jirsatay oo ka badan kuwii hore iyo saamaynta dhulka ay ka jirto oo ka badan intii hore iyadoo meel kasta oo ay somali dagto laga soo sheegayo abaar ba’an oo meelaha qaar ay dadkii u dhinteen gaajo iyo xanuuno ay sababtay abaartu.

Hadaba hadaan u imaado waxyaabaha aan shaksiyan is leeyahay qayb ayey ka yihiin jiitanka abaarta waxaan ugu horeyn ka eegaya waaqica diiniga ah waxa uu quraanku inoo sheegay in dhibaata kasta oo dhacda ama musiiibooyinkuba ay ka dhashaan danbiga bani’ aadmku uu ku sameeyo arlada guudkeeda taasoo sida ku cad aayaadka quraanka kariimka ah taasoo uu waliba ilaaahay SWT in badan inaga dhaafo/cafiyo oo aanu inagu ciqaabin danbigeena waana ta loo bahanyahay ina aynu ku baraarugsanaano.
Maxaa dadka iska bedelay.

Wakhtiyadii hore dadku miyi iyo maagalaba waxay ahaayeen qaar xalaal miiradku uu ku badanyahay tusaale ahaan dadka reer miyiga xata neefka baadida ah ee u soo hoyda gooni ayey uga xareyn jireen xoolahooda iyagoo u arkayey neef aan manaafacaadkiisu xalaal u ahayn inkastoo ay dhici jirtay in dadka qaar ay xoolaha kala dhici jireen hadana waxa badnaa inta xalaasha taqaana macsiduna ku yartahay. Sidoo kale iyada oo ay ahayeen dad aqoontooda xaga diintu koobnayd hadana yiqiintooda ilaahay iyo tala-saarashadiisa ayaa ahaa hubka ay isku difaaci jreen, taasoo ka liibaani jireen iyadoo dhibaato kasta oo ku dhacda marka ay ilaahay baryaan uu ilaahay uga farajo haday abaar tahay iyo haday colaad iyo cadawba tahay. Dadka magaalada iyaga laftoodu may ahay dad danbiyada iyo faaxishadu ku badantahay marka loo eego wakhtigan xaadirka ah oo aad moodo inay bulshada ku badantahay xanta, beenta, xaaraanta fusuqa iyo cunfiga iyo calool xumadu waana ta keentay ayaan odhan karaa dhibaatooyinka ay ka mid yihiin abaaraha soo noqnoqnaya, xanuunada aan la garanayn iyo busaaradaha sii kordhaya.

Hadaba hadaan u soo laabto jawaabta su’ aasha ah “Nidaamka xisbiyaddu saamayn ma ku leeyihiin abaarah jiimtamaya. Waxaan qabaa inay jawaabtu haa tahay waxanan ku so ururinayaa hal qodob oo tusaale inoo noqon kara. Waxa dhici jirtay marka ay abaari dhacdo dadku iyagoo midaysan oo ay quluubtoodu wada jirto ayay ilaahay isku dhiibi jireen oo ay salaad roob doon ah tukan jireen waxaana dhici jirtay in ilaahay uu naxariistiisa u soo dadajiyo kana faydo dhibta. Hadaba hadaynu eegno tan maanta taagan ee inagu daba dheeraateay waxaad arkaysaa in markasta oo roob doon lagu baaqo markaaba aad maqlayso dadka oo ku sheekaysanaya “yaa wax inaga aqbalaya dadkan calooshay ayey wax iskugu wada hayaane” waxaanad dareemaysaa inay jiraan kala qaybsanaan dhinica quluubta ah oo ku salaysan khilaafka iyo ismaan dhaafka bulshada dhexdeeda oo aan odhan karo waxa kordhiyey nidaamka xisbiyada oo bulshada u horseeday qabyaalad iyo qoloqolo ay quluubti dadku kala fogaatay oo ay ka dhigtay bulsho wada nool oo uurka iska neceb.
.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa xisbiyadu quluubtii dadka ayay qaybiyeene aynu quluubta midayno oo aynu xadhiga ilaahay wada qabsano sida uu ilaahay SWT uu kitaabkiisa inoogu sheegay ee uu ku yidhi “ Xadhiga ilaahay qabsada dhamaantiin oo hakala tagina”

Ilaahayna Aabaraha iyo Musiibooyinka kaleba ha inaga kor yeelo

W/Q: Deeq Aw Cali Yuusuf
deeqawcali@hotmail.com