Nin Hubeysan Oo Isku Dayay Inuu Galo Xarunta CIA-Da Oo La Toogtay

0
323

Ninkan oo aan la aqoonsan wali ayaa laga hor istaagay inuu gaadhi ku dhaafo albaabka xarunta CIA-da oo ku taalla bannaanka Washington DC isniintii shalay. Saraakiisha ammaanka xarunta ayaa sheegey inay isku dayayeen inay la xaajoodaan ninkan si uu isku soo dhiibo dhowr saacadood.

Qoraal ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegey in nin watay gaadhi oo hubna u saarnaa uu soo abbaaray saraakiishii ammaanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la dhaawacay ninkan, loona qaaday cisbitaal si loo daweeyo.

Goor hore oo shalay ah ayaa afhayeenka CIA-du waxa uu sheegey inay la socdeen xaaladda ka taagneyd bannaanka xarunta oo ah goob ammaankeeda si weyn loo xakameeyo, dhowr boqol oo mitirna u jirta dhismaha weyn ee xafiisyada hay’adda ku yaallaan.

Ammaanka xaruntan ayaa aad loo adkeeyey sannadihii dhawaa, xaruntan oo ku taalla xaafada Langley ee gobolka Virginia ayaa waxaa ku dhow wado aad u mashquul badan

Dhacdadan ayaa waxa ay dad badan xasuusineysaa mar uu sannadkii 1993 nin u dhashay dalka Pakistan oo lagu magcaabijiray Aimal Kansi uu toogasho ku dilay laba ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda CIA-da halka uu sedex kalena dhaawacay xilli ay baabuurtooda ku jireen, ayna sugayeen in ay ku leexdaan xarunta hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here