Nin U Geeriyooday Jimicsi Lagu Khasbay Kadib Markii Uu Jabiyay Sharciga Xayiraadda COVID 19

0
310

 

Darren Manaog Penaredondo ayaa la sheegay inay askartu joojiyeen isagoo biyo iibsanaayay meel ka mid ah gobolka Cavite ee dalkaas.Waxaa la sheegay inuu suxay markii hore maalintii xigtayna uu geeriyooday

Gobolka Cavite, oo ku yaalla jasiiradda Luzon, ayaa hadda ku jira xayiraad adag si looga hortago faafitaanka Covid-19.

Marlo Solero, oo ka mid ah taliyaasha ciidamada ayaa sheegay in ayna jirin ciqaab jidheed loo geysto dadka lagu helo in ay jebinayaan sharciyada bandowga, balse wuxuu intaa ku daray in haddii lagu helo saraakiishu inay sameeyen ciqaabtan sababtay geerida ninkaan aan loo dulqaadan doonin.

Qof ka mid ah ehelada ninka geeriyooday ayaa ku shaaciyay bartiisa Facebook geerida ninka ay ehelka ahaayen,wuxuuna sheegay in Mr Penaredondo iyo dadka kale ee lagu helay inay jabiyeen bandowga loo sheegay inay sameeyaan 100 jeer nooc ka mid ah jimicsiga.

Haddii ay ku guuldareystaan inay sameeyaan isla waqtigaas, waa inay ku celiyaan ciqaabta boolisku ku amreen ayuu yidhi qofka ay ehelka yihiin ninka dhintay . Shaqsiyaadka lagu eedeyay jabinta sharciga bandowga waxay dhammeyen 300 oo jimicsi oo marna ay fadhiisanayaan marna istaagayaan.

Mr Penaredondo wuxuu guriga tagay subaxdii jimcaha isagoo xanuun dareemaya, ayuu yidhi walaalkiis.

Xaaskiisa ayaa u sheegtay warbaahinta maxalliga ah inuu dareemayay dhibaato xoogan oo ka soo gaadhay Jimcisiga

Maalintii ku xigtay ayuu dhacay oo neefta ayuu joojiyay. Ms Balce ayaa ka codsatay deriska inay ka caawiyaan xaaladiisa, laakiin waxaa la sheegay inuu dhintay wax yar ka dib.

Duqa magaalada General Trias City oo lagu magacaabo Ony Ferrer, ayaa sheegay inuu amar ku bixiyay in taliyaha booliska uu arrintaan baadhitaan ku sameeyo si loo xaqiijiyo falkaan la sheegay inay ciidamadu gaysteen.

Mr Ferrer wuxuu intaas ku daray inuu la xidhiidhay qoyska Mr Penaredondo.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dhawaan ka digtay xadgudubyada booliska Filibiin ay dadka u gaystaan kuwaas oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha .

Madaxweynaha dalkaas Rodrigo Duterte oo khamiistii khudbad jeediyay ayaa isna muwaadiniinta dalkiisa uga digay inay jabiyaan sharciyada xayiraadaha xanuunka Covid-19 ee dalkaas lagu soo rogay taas oo uu muujiyay inay boolisku tallaabo ka qaadi karaan cidii aan hoggaamsamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here