Nin Walba Halkii Bugtaa Isagay Bel-beshaa!

0
71

Nin Walba Halkii Bugtaa Isagay Bel-beshaa!
Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu amro ciddii qortay warsaxaafadeedkii xambaarsanaa wareegtadii uu ku kala qaaday
doorashooyinka Madaxweynaha iyo Wakiillada inay saxaan oo sida hadalku ku qumman yahay loo dhigo.Waxay ahayd markii aan ka faraxashay dhowr maqaal toddobaadkan, kuwaas oo aan kaga hadlay xaaladda danta guud ee laygu bartay kolba inaan ka hadlo halka ay ka liicdo, iyadoo maqaalkaygii toddobaadlaha ahaa aan si mug leh ugaga hadley xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay iyo sida loogu baahan yahay in wax lagoo qabto cabashooyinkooda.
Maqaalkaas oo igu dhashay mar aan aad u dhugtay shir beelaha laga tirada badan yaha Hargeysa ku qabsadeen, kuna soo bandhigeen go’aamo ay gaadheen iyo talooyin, ayaa waxaan arkay warsaxaafadeedka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee ku saabsanaa doorashooyinka soo socda iyo sida ay suurtogal ku yihiin inay waqtigooda dhacaan.
Dulucda wareegtada Madaxweynuhu soo saaray waxay ahayd inuu ku kala qaaday labada doorasho ee isa saarnaa, isagoo meesha waqtigan ka saaray doorashada Wakiillada, waxaannu cuskaday qoddobo dhowr ah.
Runtii aniga la yaab iguma ay noqon doorasho dib loo dhigo oo kuwo hore oo badan weynu arki jirney, waana halka reer Xamarku yidhaahdaan ‘waa dheesheenna haddii aynu nahay Somaali’ oo ay ugala jeedaan wax iska ciyaar-ciyaar ah oo soo noq-noqda oo ujeeddo hoose leh. Laakiin waxa dareenkayga soo jeedisay oo igu kelliftay inaan qalin ka qaato, sida uu u qornaa warsaxaafadeedkii madaxtooyada, qodobaddii Madaxweynuhu ku sababeeyey in dib loo dhigo doorashada Wakiillada oo ay ku jireen, in beelaha uu sheegay oo bari iyo galbeedba leh la tixgaliyo soo-jeedimahooda la xidhiidha saami-qeybsiga xubnaha Golaha Wakiillada ee dabadeed la raaciyey sida warsaxaafadeedku u dhignaa, in dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay iyagana habboon tahay in la tixgeliyo cabashooyinka ay ka muujiyeen saami-qaybsiga kuraasta goleyaasha qaranka.
Soomaalidu waxay tidhaa,nin walba halkii bugtaa isagay bel-beshaa!’Ta aniga i gubtay waxay tahay in dumarka lagahorraysiiyey beelaha laga tirada badanyahay. Sida wanaagsan aniga waxay ila tahay in sheegista beelaha oo dhan la is wada raaciyo, dumarkana laga daba geeyo. Waxa kaloo Soomaalidu yidhaahdaan, ‘hadalka la kala odhan og, Allena la kala baryi og,’ waana wax dad badan iigu waafaqi karayaan qodobaddan.
Haddaba, waxa isweydiin leh maxaa qaddiyadda dumarka oo toodu ka sahlan tahay looga horreysiiyey ta beelaha laga tirada badan yahay?
Sida hab-maamuuska dhaqankeennu yahay waxa marka hore la sheegaa ragga, dabadeedna dumarka ayaa la raaciyaa, waxana arrintaas taageeray marka ninka haweenay ka hortimaad amma uu meel galayo way u bannaynaysaa iyadoo garanaysa xaqa ninka.
Beelaha laga tirada badan yahay iyo intayada raacsanee aaminsan xuquuqdooda, inuu imminka dareenkayagu aad iyo aad u kacsan yahay markasta oo uu wax qeybsi yimaaddo oo qarniyo badan hoos idiinka foorarney, isla markaana aannu ku qasbannahay inaanan qaadan karin wax kasta oo dib noo dhigaya.
Sidaa darteed, mudane
Madaxweyne anigoo kuu haya ixtraam ka ugu sarreeya, iyadoon kaa ahayn badheedh habka qoraalka wareegtadaadu u dhacayday sidaad ugu talogasheen beelaha laga tirada badan yahay, laakiin ahayd ilduuf ku yimad masuulinta hawshaasi ku qaabilsan oo iyagana la fahmi karo in culeys badan fuushan yahay siday aniga ila tahayna, waayo bashar beynu nahay oo la innaga waayi maayo qadafyo iyo duul-duul toona, waxaan ka codsanayaa in sixitaan lagu sameeyo qoraalkaas oo sida uu saxa ku yahay loo dhigo oo dhammaaan beelaha aan la kala reebin bari, galbeed iyo kuwa laga tirada badan yahay, kadibna la sheego dumarka.
Dhinaca kale, haddii laga tagi waayo aniga laba qodob ayaan ka odhan lahaa doorashada Golaha Wakiillada ee Madaxweynuhu qabsoomideeda dib u dhigay.
Xildhibaannada baarlamaanka fadhiya, miyaanu dareenkoodu odhanayn ‘waar muddo dheer baad meesha fadhideene dhallinyarada harraadka u qaba siyaasadda dalka iyo kuraastiina oo dadweynaha idin soo doortay markii horeba ayaa dabada ka riixaya imminka oo cidna horistaagi karin ee dhayal ha u qaadanina arrintan? Ogobeey sideedaba isha bani’aadamku waxyeelladeeda ayey leedahay ee yaan loo daymo la’aan.
Haddii se aadka raacdaan ta sida qaldan loo turjintay waayadan dambe ee aheyd weedhii Madaxwenhii Cigaal, Alle ha u naxariisto ee caanka noqotay ee ah ‘LA ISKUMA JOOJINAYO’ oo uu isagu ugula jeeday
markuu ka daalay qaar ka mid ah beelaha waar hubka soo dhiiba iyo dhallinyaradiinna aan ciidan qaran dhisee oo dabada la jiidayey, isna waqti ku socdey inuu hannaankii dawladnimo dhiso, uu go’aan ku qaatay sidii inuu isku jaabo-jaabeeyo inta oggol, hase ahatee loo rogay imminka DHAGALI IYO INDHOOLE, taasna warkeedu waa cad yahay oo waxay ku dambeyntii Hadraawi ka yidhi gabaygii uu tiriyay soddon sanno horteed ee ah DUSDUS KAY KU DHARAGTEE HADAAN DAALKU DHEERAAN, iyo 18 beyd ee Raacaa Gabaygaasi caanka ahaa ee taarikhda wayn lahaa ee lagu kala badiyay.
waana halka la yidhaa,
what goes around, comes around.’
Ilaahayow talada wanaagsan nawaafaji.
Fiiro gaar ah
Aniga damac igama hayo inaan ka mid noqdo baarlamaanka cusub ee soo socda