Nuxurka Khudbad Oo Xisbiga UCID Ka Jeediyay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI Oo Maanta Ka Furmay Hargeysa

0
358

Xoghaye ku xigeenka Guud ee Xisbiga UCID Mudane Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo hadal ka jeediyay Shirka Saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI oo maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa ayaa Xisbiga si weyn ugu bogaadiyay sida habsamida leh ee shirweynuhu u furmay.

Waxa kale oo uu sheegay in ay haboonayd in Xisbiga Kulmiye oo shirka lagu marti qaaday ka soo qayb galo.

“Waxaan Rajaynayaa In Doorashooyinka soo socda ay guulaystaan Xisbiyada Mucaaradka ahi, Xisbiga WADDANI Waxa muuqata in uu doorashada Madaxtooyada u diyaar garoobayo laakiin, waxaan leeyahay doorashada Wakiillada Iyo Deegaanka ayaa ka soo horaysa ee inaad xildhibaanno tayo leh soo saartaan oo u sii xayd-xaydataan Doorashada Madaxtooyada.,” Cabdinaasir Cismaan Qodax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here