Nuxurka Shir Uu Dr. Ciise Kayd La Yeeshay Waxgaradka, Siyaasiyiinta Iyo Ururka Dhalinyarada Ee SAMANE Iyo Qoddobada Ay Ka Wada-Hadleen

0
349

Nuxurka Shir Uu Dr. Ciise Kayd La Yeeshay Waxgaradka, Siyaasiyiinta Iyo Ururka Dhalinyarada Ee SAMANE Iyo Qoddobada Ay Ka Wada-Hadleen.

“Runta marka la sheego magaca mooyee wax ay Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ay ku kala gedisan yihiin ma jirto.

Hargeysa(Warsugannews):-Murrashaxa u taagan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota ee Beesha ARAB ee Samane Aqoonyahan Dr.Ciise Kayd ayaa waxa uu kulan is-xog-wareysi ah la yeeshay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka Iyo Ururka Dhalinyarada ee Beeshaasi.

Shirkan oo ku qabsoomay Huteelka Hadhwanaag Restaurant ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ahaa mid ay iska xog-wareysanayeen xaalada uu wakhtigan dalku marayo, sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa inay qaataan Kaadhka codbixinta iyo weliba xisbiga uu murrashaxoodu iska soo sharixi doono doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka Iyo Ururka Dhalinyarada Samane ee Beesha ARAB oo dood iyo falan-qeyn dheer, kadib waxay isla qaateen inay dib ka soo sheegi doonaan Xisbiga ay murashaxooda ka soo sharixi doonaan, balse may sheegin Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI kuu yahay.

Murrashax Dr. Ciise Kayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ku taageersan yahay go’aanka ay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Ururka Dhalinyaradu isla qaateen ee ah inaynu ka soo fikiri doono Xisbiga aan iska soo sharixi doono,balse aanay imika jirin Xisbi aan ku jiro oo saddexda Xisbiba ay ii siman yihiin.

“Waxa muuqata sida aanay xukuumaddan talada dalka haysaa u qiimayn balamihii ay u balan-qaadeen xiligii ay ololaha doorashada Madaxweynanimada ku jireen”. Ayuu yidhi Ciise.

Aqoonyahan Ciise Kayd ayaa ka hadlay Xisbiga uu jecel-yahay inuu iska soo sharxo mustaqbalka oo uu ku biiri doono, waxa uu yidhi “Runta marka la sheego magaca mooyee wax ay Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ay ku kala gedisan yihiin ma jirto. Sidoo kale, ma jirto wax qoraal ah oo ay ku kala gedisan yihiin haday tahay Dhaqaale, Dhaqan, Caafimaad, Amni, Aqoonsi-raadinta I.W.M.
Qofka waddaniga ah ee aan qabiil codkiisa ku bixinayna, ma heli karo wax uu ku qanco oo uu ku kala doorto Xisbiyada.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Malaha waxa wanaagsanaan lahayd inay dhowr doodood oo Telefishanka iyo Radio-ga-ba lagala socon karo ay hoggaanka Saddexda Xisbi qaran iskaga horyimaadaan si ay umadda ugu sharaxaan waxay ku kala gedisan yihiin…….Ma jirto oo waxna uma diyaar aha dalkana indho iyo dhago la’i ayay ku wadaan…..Waa doorkii Reer Hebel ayuunbaa loo tartamayaa. Doorashadiina ma dhawa sidaad sidaad og-tihiin, wax loogu deg-dego in Xisbi Siyaasadeed wakhtigan loogu biiraana ma arko.”

“Aniguna noqon maayo siyaasi iska socda oo aan cidna metelin. mar haddii aan qofka lagu dooranayn Kartidiisa iyo Aqoontiisa, oo reer lagu dooranayo, waxaan kolkaa anna awood iyo karaama-ba siin doonaa oday dhaqameedka Samane oo xaq u leh inay aayahoodo ku gorgortamaan, Anigoo ixtiraamaya Siyaasiyiinta beesha ee ku kala jira Saddexda Xisbi, waxaan hadana xusuusinayaa in aanay keligood waxba qaban karin. Tusaale ahaan labada nin ee dawlada Hoose Caasimada Hargeysa ugu aqoonta baddani waa beesha hadana lama ogola inay Maayar noqdaan. Wasiirkii hore ee Madaxtooyaduna reerka si fool xun ayuu ula dhaqmay”.Ayuu yidhi Dr. Ciise Kayd.

Aqoonyahan Ciise Kayd waxa uu dhaliil u-jeediyay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo, waxaanu yidhi “Waxa maalin walba kor u sii kacaya Sicir bararka, Shaqo la’aanta Dhalinyarada iyo Boobka Hantida Umadda ay xukuumaddu ku hayso, labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI-na Siyaasad qoraal ah oo ay umadda ugu micneeyaan waxay qaban doonaan haddii la doorto ma jirto.”

Sidoo Kale Ciise Kayd waxa uu soo bandhigay waxa kaliya ee ay Somaliland ictiraaf kaga heli lahayd bushada Caalamka, waxaanu yidhi“Aqoonsi raadistu maaha dalka isu-taga Imaaraadka Carabta oo lagu noqnoqdo, maaha Soomaaliya oo la baryo, maaha Magaalo yar oo England ku taala oo Calan yar laga taago.Balse waxay u baahan tahay lacag aad u baddan, loobi iyo looyaro, waxaan ka dooni lahaa Eretria, Sudan, qaar ka mida dalalka Afrikanka oo baddan, iyo weliba China, Russia iyo Israel.”

“Dawlada maxa ka hortaagan in ay soo rogto, Shaqada qaranka (National Service-ka) arday wal oo iskuulada ka soo baxaa inta aanu tahriibin waxa laga yaabaa in xirfado aanu aqoon ka baran karo shaqada qaran. Somaliland waxay u baahan tahay, Xisbi Is-bahaysi adag ah oo la sameeyo, Xisbigaana ay madax ka noqdaan dadyow aan Xisbi lahayn imika ee Bariga, Galbeedka iyo kuwa dhexe ee ka soo hor-jeeda Xisbiyadeena Siyaasadeed ee qabaa’ilka ku dhisan,Sidaas darteed Arab ha joogo sidi sidida oo dhul u dhaciisa ha hubsado. Khiyamooyinkii horena wax ha ku qaataan”

Mustafe-janaale
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email:Hayannews@gmail.com