Nuxurka Wadahadalladii Dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo Weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE +SAWIRO

0
411

Nuxurka Wadahadalladii Dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo Weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE

Addis Ababa (WSN)- Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan meeqaamkiisu sarreeyo oo ay ku yeesheen qasriga Madaxtooyada looga taliyo waddanka Itoobiya Khamiistii waxay kaga wadahadlay arrimo ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo weftigiisa oo ay xubno ka haaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Daakhiliga iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka waxay kulanka ay la yeeshee Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo qaatay saacado badan ku falanqeeyeen kor-u-qaadida kaabayaasha dhaqaalaha,, gaar ahaan dhismaha waddada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya si ay u xoojiso isticmaalka Itoobiya ee Dekedda Berbera, ka wadashaqaynta nabadgalyada iyo iskaashiga labada dal,

ay ku wehelinayeen kulankaasi wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay warbaahinta Itoobiya, waxa uu sheegay in ay Ra’iisal-wasaaraha ku heshiiyeen horumarinta dekedda Berbera oo uu xusay inay suurtogalinayso ko-u-qaadida xidhiidhka labada waddanka, isla markaana ay isku waafaqeen taabbogalinta ganacsiga iyo wadashaqaynta dhaqaalaha si loo gaadho horumar bulsho. Sidoo kale, waxa uu Wasiirku si gaar ah u tilmaamay in ay Ra’iisal-wasaaraha isku afgarteen sii wadadi deeqaha waxbarasho ee Itoobiyo siiso ardayda Somaliland.
Waxa kaloo uu sheegay inay Somaliland iyo Itoobiya sii wadayaan wadashaqaynta dhexdooda ah oo aan ku koobnayn uun danaha ka dhexeeya labadooda, balse ay qayb ka tahay xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Waxaannu ka wadahadalnay sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka labada waddan iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha nabadgalyada, dhaqaalaha bulshada, kulankaasi wuxuu ahaa mid la xidhiidha kulamo aannu hore ula kulanay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Mr. Axmed Shide oo ku wehelinayey Ra’iisal-wasaaraha kulankaas, ayaa wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA u sheegay in Ra’iisal-wasaare Hailemariam caddeeyey inuu kala shaqaynayo Somaliland horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha si labada waddanba u gaadhaan dano ay ka wada faa’iidaystaan.
Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa uu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen iskaashi wadashaqayneed si loo joogteeyo nabadda iyo xasilloonida, isla makraana loo yareeyo abaarta uu u nugulyahay gobolku.

Waxa kaloo uu intaa raaciyey in hoggaamiyayaashu isku raaceen ka wada faa’iidaysiga dhinaca tamarta.
Xubno ka mid ah weftiga Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa dalka dib ugu soo laabtay, halka Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Axmed Xaaji Daahir oo ka mid ah xisbiga KULMIYE ay weli ku gudo jiraan safarkooda shaqo ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa waxa kulanka ku wehelinayey Safiirka iyo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya – Cali Salaan Jirde (Cali-Shaambe) iyo Ayaale Salaad iyo weliba Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale.