Obama oo qabtay shir jaraa`idkiisii ugu dambeeyay iyo madaxweynaha la doortay Donald Trump oo uu u digay

0
367

Barack Obama, madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo ee Mareykanka ayaa xalay qabtay shir jaraa`idkiisii ugu dambeeyay kaas oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo u badan siyaasadda Mareykanka ee dibedda iyo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

Obama ayaa ka hadlay siyaasadda Mareykanka iyo Ruushka oo muddooyinkii u dambeeyay cakirneyd, waxaana uu sheegay in adduunka iyo Mareykankuba ay dan ugu jirto in ruushka il gaar ah lagu eego, waxaana uu qiray in xilliga uu jagada soo hayay uusan wanaagsaneyd xiriirka labadaasi dal.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay gabar uu dhawaan cafis madaxweyne uu u fidiyay taas oo ku eedeysneyd in ay boqolaal kun oo dukumintiyo sir ah ay u dirtay websiteka wax fashila ee Wikileaks.

Chelsea Manning ayuu sheegay madaxweynuhu in ay ay qiratay dambiga ay gashay, waxaana uu sheegay in la xukumay oo ay xirneyd in mudo ah, sidaasna uu ku go`aansaday in uu cafis u fidiyo.

Dhanka kale madaxweyne Obama oo beriba banneynaya xafiiska ayaa waxaa uu digniin u diray madaxweynaha la doortay ee Donald Trumo kaa oo uu uga digay in uu ka waantoobo dhamada aan xikmadda ku dheehneyn islamarkaana dilay sumcaddiisa madaxweyne iyo midda dal-weynaha Mareykanka.

Beri oo bishu 20-janaayo ku beegan tahay ayaa lagu wadaa in uu xilka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay e Donald Trump