Prof Jawaari oo kulan Xasaasi ah la qaatay Musharaxiin Miisaan Culus leh…

0
581

Musharaxiinta u tagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee maanta uu Guddoomiyaha Golaha shacabku uu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa kala ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Cabdiramaan Maxamed Faroole ,Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti, waxayna kala hadleen hanaanka doorashadda madaxweynaha dalka sida ay u dhacayso iyo hubinta in doorashadu u dhacdo si hufan ee doohfuran .

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa dhamaan musharaxiinta guddoonsiiyey boogaaga ay ku qoran yihiin taxanaha doorashadda golayaasha sharci dajinta dalka laga soo bilaabo sanadkii 1959kii iyo habraaca doorashadda madaxweynaha iyo xeer hoosaadka u gaar ah .

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in barlamaanka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay ula dhaqmaan si isku mid ah musharxiinta isla markaana doorashaddu ay ku dhicidi doonto hanaan Cadaaladda ah oo ay ka maran tahay nin jeclaysi.

Guddoomiyayaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa tilmaamay in marka ay soo dhamaanto doorashadda Guddoonka aqalka sare la samayn doono guddiga barlamaani ah oo soo saari doono jadwalka doorashadda Madaxweynaha xilliga ay dhici doonto.