Qabyaalada Iskaga Taga Waa qudhune.

0
836

Qabyaalada Iskaga Taga Waa qudhune.

ASC W W dhamaan shacabka reer soomaaliland, salan kadib todobaadkaana waxaan idiin soo gudbinaynaa mawduuc aad u muhiim ah,
Waxaan wada ognahay waxa sasabey bur-burkii dawladii dhexe in ay sabab u aheed qabyaalada
Caqabada ugu weyn ee wadankeenu ku dhismi la’yahay waa qabyaalada.

Inagoo og in ay qabyaaladi dhibaataas nagu hayso baan hadana ku dhaganahay oo aan wada jeclnahay
Somalidu waxa ay sixun u isticmaashaa qabiilka waxa ayna isku qalada labada erey ee QABIIL & QABYAALAD
WAA MAXAY SABABTA LOO SAMEEYEY QABIILKA ?
Sababta loo sameeyey waa asbaab faro badan oo aanan halkan kusoo koobi Karin balse hadii aan wax ka xusno waxaa kamid ah :-
1. In la isku aqoonsado , siduu ilaahayba yiri SW () oo macnaheedu
yahay ( dadoow waxaan idinka abuurnay mid lab iyo mid dhadig waxaana idinka dhignay qeybo ama gabalo amaba shacabyo iyo qabiilo si aad isagu garataan ),
2. In la isku xiriiiriyo , hadii aad taqaano dadka qaraabadaa , qaraabadaasi haku timaado nasab amaba xidid waxaa sahlanaanaysa inaad xiriiriso iyaguna ay ku soo xiriiriyaan.
3. In lagu kala garto dadka isguursan kara iyo kuwa aan is guursan Karin xaga Waalidiinta ama walaalaha , sida diintu qabto
WAA MAXAY QABYAALAD ?
QABYAALADU waa sixun u isticmaalka qabiilka waana inaaad u isticmaasho qabiilka waxaanba loo sameen sida inaad wax ku dhacdo amaba aad wax ku disho amaba aad ku garab istaagto walaalka ama ina adeerka isagoo qaldan,
waana wax aad looga xumaado runtii inaaad Aduunkayaga iyo Aakhiradaadaba ku seegto waxaan haba yaraate wax faa’iida aan kuu lahayn .

MAXAY DIINTA ISLAAMKU KA QABTAA QABYAALADA ?
xukunka diinta islaamka ay ka qabto qabyaalada waa mid XAARAAM ah
Nabigeenuna NNKH aad buu uga hadla qabyaalada aadna wuu u caaaya waxaana ka mid ahaa inuu yiri nabigu SCW ( naga mid ma ahan qofkii u yeerata ama sheegta casabiyad(qabyaalad), naga mid ma ahan qofkii u dagaalama casabiyad (qabyaalad), naga mid ma ahan qofkii u dhinta casabiyad (qabyaalad) waxa wariyey Abu daawuud.
MAXAY SOOMAALIDII U TAQAAN MIDGAAN ?
Runtii waa kalmad xun in ay adeegsadaan dadka aqoonta lehna way ka xishoodaan kaliya qofkii jaahil ah ba isticmaala,
waayadii danbana ku dhex faaaftay bulshada waaana in qabiilkii tiradiisu yaraato ama sabool nimo soo wajahdo amaba ku yar deegaankaas la liido laguna magacaabo midgan aanana laguursan
hadii ay sii socoto arintaan waxa dhici doonta in gabi ahaanba ay dabar go’do bulshada somaliyed
oraah hore baa waxa ay aheed waxaaa midgaan ah ninkii janada laga waayo
Abwaan keenii allaha u naxariistee (c/laahi suldan tima-cade)
Waxa uu ka yiri qabyalada somalida
Dugsi maleh qayaaladi wax dumiso mooyaane
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahooy, duunka ka heshiiso
Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Qore.” Sadaam xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here