Qaramada Midoobay Oo Doorashooyinka Soomaaliya Ku Bixinaya $7.2 Million

0
354

Dawladda Soomaaliya iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ayaa maanta ku kala saxeexday magaalada Muqdisho qayb kamid ah misaaniyadda doorashooyooyinka oo gaadhaysa toddobo malyan iyo laba boqol oo kun oo doollar ($7.2 Million).

Lacagtan oo ay bixinayaan deeq bixiyayaasha caawiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay fududeyn doonto dardargalinta doorashooyinka ka billaamaya Soomaaliya.

Dhinaca kale isla maanta waxa magaalada Muqdisho dib loo furay safaaradda dalkan Kenya ku leeyahay Soomaaliya oo xidhneyd dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sababbo la xidhiidha khilaafka ka dhaxeeyay labada wadan oo hadda u muuqda inay meelo badan isaga soo dhawaanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here