Qaramada Midoobay oo ka dayrisay xaaladda abaareed ee Soomaaliya

0
327

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda abaarta Soomaaliya ay meel xun marayso, ka dib markii ay curan waayeen roobabkii gu’ga iyo deyrta ee la filayay sanadkii tegay.

Abaarta ayaa dhalisay in ay sare u kacaan qiimaha lagu kala iibsado biyaha iyo cuntada, sida uu sheegay Peter de Clercq, oo ah isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya.

Peter de Clercq oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay kasii dari karto, maadaama hadda uu bilowday xilliga jiilaalka, waxaana uu intaa raaciyay in boqolkiiba 40 dadka Soomaaliyeed ay abaartu hayso.

Inta badan caalamadihii ka horeeyay abaartii 2011 ayaa hadda muuqda. Waxbadan waxa ku xiran yihiin roobka gu’ga ee la filayo bisha April ee soo socota. Balse saadaasha roobkaasi ma aha mid wanaagsan.” ayuu yiri Peter de Clercq.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay wax kasta oo suuragal ah samayneyso si loogu gurmado dadka abaarta ay ku habsatay.

Abaarta oo ka jirta inta badan Bariga Afrika, ayaa si weyn u saamaysay deegaannada Soomaalida, waxaana ku xoola beelay dad badan.