telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Qaramada Midoobey Oo Dawalda Myanmar ka Dalbatay In Si Dagdega Lojoojiyo Rabshadaha Laguhayo Qomiyada Rakhine

Haragaysa(warsugannews.com);Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dalbaday in la soo afjaro rabshadaha ka taagan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, kuwaasi oo sababay in boqolaal kun oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya ay guryahooda ka qaxaan.

Milatariga dalkaasi Myanmar ayaa gudaha gobolkaasi waxa uu ka waxaa waxa saraakiisha Qaramada Midoobey ay ku tilmaameen isir sifeyn ka qowmiyadda musliminta Rohingya.

khalsa-aid

Golaga ammaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in boqolaalka kun ee qof ee Rohingya ee u qaxay dhanka dalka dersika ah ee Bangladesh loo ogolaado in ay dalkooda ku laabtaan.

Shiinaha ayaa bayaankaasi taageertay balse waddamada Britain iyo Faransiiska ayay u suurtageli weyday in Beijing ay ku qanciyaan in ay taageerto in la meel mariyo qaraar cambaareynayo Myanmar oo ay xulufo yihiin.

Wakiilka Myanmar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ayba suurtagal tahay in bayaankani cusub uu sii sare qaado xiisadda gobolkaasi ka taagan

145 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins