“Bahda Qarramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in marnaba xabadda ayna xal u noqoneyn ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan.
Saacadihii magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xoogag taabacsan mucaaradka oo ka soo horjeeda muddo korarsiga dowladda hadda jirta.