Qarax si aan caadi aheyn loogu hoobtay oo ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Sehwan (Daawo Sawirro)

0
828

Waxaa soo baxaya faahfaahino ka soo baxaya Qarax weyn oo ka dhacay masaajid caan ah oo ku yaalla Koonfurta Pakistan kaasoo lagu dilay ugu yaraan 80 ruux, waxaana sheegatay masuuliyadiisa kooxda Daacish

Sida booliisku sheegeen Qofka qaraxa gaystay ayaa isku qarxiyay dad fara badan oo ka tirsan daiiqada Suufiyada oo ku cibaadaysanayay magaalada Sehwan ee gobolka Sindh.

Waa qaraxii ugu waxyeelada badnaa ee ay sheegtaan Dawladda Islaamka, Talibanka Pakistan iyo kooxaha kale ee dhaca muddooyinkii u dambeeyay.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ruuxa weerarka gaystay uu miino tuuray ka dibna isku qarxiyay dadka suufiyada ah oo xadraynaya, sida ay ku warrantay warbaahinta deegaanku.

“Waxaan arkay maydad meel walba yaalla, waxaan arkay maydadka haween iyo carruur” nin ayaa sidaa u sheegay warbaahinta gudaha.

Sawirro laga qaaday gudaha goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dhulkii oo dhiig qariyay, iyadoo ay daadsan yihiin dhar iyo kabo.

Rai’sal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa cambaareeyay qaraxaasoo ay sheegteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.